Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

WAX KA BARO BISHA RAMADAAN W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI WIRDAANIQORMADII 17-AAD

QORMADII 17-AAD

17. SOONKU WAA TARBIYADA NAFTA.

Waa qormooyinkeeni taxanaha ahaa ee WAX KA BARO BISHA RAMADAAN iyo qormadeeni  todoba iyo tobnaad oo aynu kaga hadli doono soonka iyo sida uu u tarbiyadeeyo nafta qofka muslimka ah bisha Ramadaan gudaheed.

Soonku waa bil la tarbiyadeeyo nafta, waa bil lagu barbaariyo, daacadka Alle, ku xidhnaanta masjidka, ka dheeraanshaha, xanta, beenta, af lagaadada, iskudirka, iyo xumaan oo dhan, waa bil ay nafta la dareensiiyo dhadhanka macaan ee ay leedahay cibaadad alle, waa bil ay nafta u siyaado Iimaanku, oo ay galabsato shaqaysatana naftu ajar badan, waa bil ay danbi dhaaf badan ka hesho Rabiigeed, waa bil haduu Eebe ka aqbalo janada la galin naartana laga xorayn, waa bil ay dhex mushaaxdo naftu khayr badan, Eebe waxaan ka baryayaa inuu naftayda iyo nafaha muslimkaba ka yeelo kuwii ku tarbiyadooba bishan barakaysan ee ramadaan, kana qalin jabiya iskuulka bisha ramadaan, waxay ka bartaana ku camal fala, hadaba waxaynu soo qaadan doonaa dhinacyada ramdaan kaa tarbiyadayn karto.

Ø  KU XIDHNAANSHAHA MASAAJIDKA.

Ramdaan waa madarsad wax laga barto, waana barbaariso, halka wax lagu barto ee ay Ramadaan muslimka ku barbaarisana waa masjidka, in shaydaamadii  qof muslimka ah ka mashquulin jiray cibaadad Alle ee maanta laga xidh-xidhay waxaad ka arkikartaa masaajidada oo buuxa, waxaan ku talin lahaa inaan la faaruqin masaajidada maanta buuxa, dadkan masaajidada buuxiyay maanta maaha dad meel kale ka yimid, waa dadkeeni inala noolaa, laakiin markii hore uu duufsaday shaydaanku Rabbi ha fogeeyee, hadaad tahay nin wixii hadda ka danbeeya salaada jamac la’aan ha ku tukan, gabadhuna guriga haku ilaaliso, yaynaan gadaal u laaban.

Ø  BEENTA OO AAN LA SHEEGIN.

Beenta inaan   lasheegin ramadaan ayaa qofka muslimka ah  ka xakamaysa, hadii uu been sheegana intuu soomanyahay waxa ay wax yeelaysaa  soonkiisa, Eebana wuu inooga digay in hadaynu nahay muslimiin midkeen been shoogo, Rasuulkuna wuxuu tilmaamay qofka beenta sheegaa inuu ka mid yahay munaafiqiinta, waa kii xadiiskiina inalahaa ‘’ calaamadaha munaafiqiintu waa saddex,  waxa ka mid ahayd, markuu hadlayo been ayuu sheegaa’’ ramadaan been sheegi maysid, laakin markay baxdo haday kaa dhici jirtay hore dib ha ugu noqon, iskuul aad wax wanaagsan ka baratayna hakuu noqoto.

Ø  XANTA OO LAGA DHEERAADO.

Xantu waa mamnuuc, culimada qaar ka mid ahina waxay qabaan in xantu jabisaba soonka, laakiin taa la iskuma raacsana, waxay ku tusin laakiin khatar ay leedahay, iyo dhibta ay gaysan karto, Rabina waa kii quraankiisa ku yidhi ‘’ midkiin ma jecelyahay inuu cuno maydka walaalkii…’’ sidaas ayuu la mid yahay qofka qofka kale xanta, lagamana yaabo inuu ka soomani qof kale oo muslima xanto, inuu xanto iska dhaafe waxaad arki kalgacalka dhex yaal dadka muslimka ah bisha, ramadaan tarbiyada ayey taana kaaga noqon.

Ø  ISKU DIRIDDA OO LAGA DHEERAADO.

Isku diriddu labo qof oo muslima waa shay xun, waa arin xumaan teeda leh, waa arin diinteena suuban ee muslimka ahi aad uga digtay, in dadka lookala dab-qaado oo loo kala sheekeeyo oo la siku diro waa arin fool xun, Rasuulkeenuna (NNKHH) waa kii lahaa ‘’ janada magalo iskudira-diraale’’ ramdaana waa madarasad lagaga  gaashaaman karo, muslimka soomanina iskuma diro, dadna madaxa iskuma qaraaco, nafta muslimka ah ramdaan waxay ku baraarin xumaantan oo ay ka dheeraato.

Ø  XUMAANTA OO LAGA DHEERAADO.

Ramadaan waa madal uu qofka muslimka ahi ka galo xumaanta, xumaantana  kaga dheeraado, waa bil uu ugo’o Rabigii inuu kalidii caabudo, waa bil uu ka fogaado xumaan dhamaanteed, waa wakhti tirsan oo danbi dhaaf Rabigii kaga dalbado, waa dharaaro uu waydiisto wuxuu jecelyahay oo xumaan lahayn, laakiin malaga yaabaa inuu qofka muslimka ahi xumaan dib ugu laabto ramdaan kadib, waan ka waanin lahaa, kulana talin lahaa, hore usoco oo dib ha usoo noqon, ramadaana waa dugsi lagu barto wanaag oo dhan xumaana lagaga fogaado.

Ramadaan tilmaannay, garannay inay tahay meeshaa qofka muslimka ahi ka soo baxay isagoo khayr buuxa, ku tarbiyadoobay cibaadada Alle, ku dedaalo inuu masjidka ku ictikaafo, salaadaha jamac ku tukado, gabadhuna gurigeeda ayna ku dhaafin salaadu, qiyaamu laylka aanu mooganaan, Rabigiina markasta gacmaha kor ugu taago, hadaba dardaaran kaygu waxa weeyaan waar yaynaa ku noqon sidaynu ahayn ramadaan ka hor aynu halkaynu maanta joogno kor uga sii socono

Maanta waxaan u malaynayaa in dhamaanteen wax badan faa’idnay, kuwii wax ku qaata kuna camal fala Rabi ha inaga yeelo dhammaanteen, intaana waxaan ku soo af meerayaa qormadeenii Todoba iyo tobnaad, intaan aqoon korodhsi kan xiga isku imanayno waxaan idinku dhaafayaa, SALAAMU CALAYKUM WARAX MATULLAAHI WABARAKAATUH.

 

wirdaani@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com