Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta digreeto madaxweyne ku hirgaliyay Aas-aasidda Waaxda Ilaaladda Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka ee Ciidanka Booliiska.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta digreeto madaxweyne ku hirgaliyay Aas-aasidda Waaxda Ilaaladda Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka ee Ciidanka Booliiska.

Sidaasna waxa madaxweynuhu ku faahfaahiyay digreeto uu galabta soo saaray, sida lagu sheegay war-saxaaafeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-

 

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uuXeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2800/092014, ku abuuray, Aas-aasidda Waaxda Ilaaladda  Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka ee Ciidanka Booliiska.

 

Madaxweynuhu Markuu Arkay: Qodobada 123aad iyo 124aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda      Somaliland oo lagu aas-aasay Saddexda Ciidan Qaran;

 

Markuu Arkay:Faqradda 4aad ee Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda          Somaliland oo qoraya in Madaxweynuhu yahay Taliyaha Guud ee    Ciidammada Qaranka;

 

Markuu Arkay: Xeerka Nabadgelyada iyo Anshaxa Guud Xeer Lr. 51/2011

 

Markuu Arkay: Faqradda 4aad ee Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda          Somaliland oo sheegaya in khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka ay      mas’uul ka tahay Dawladda Dhexe.

 

Markuu Tixraacay: Dedaaladda Xukuumaddu ugu jirto daah-furka khayraadka        debiiciga ah iyo ka faa’iidaysiga khayraadka debiiciga ah iyo        ilaalintiisa;

 

Markuu Garawsaday: Baahidda loo qabo xoojinta Amniga Goobaha iyo cid kasta oo ku hawlan Sahaminta iyo Soo-saarista Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka;

 

Wuxuu Go’aamiyey

 

Aasaasidda Waaxda Ilaalada Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka (Oil Protection Unit) oo laga soo xulayo Ciidammada Milateriga iyo Booliiska, kana tirsanaan doona Ciidanka Booliiska oo hoos yimaada Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Line Ministry),  Xubnaha iyo qaab-dhismeedkiisana uu jaan-goyn doono Taliyaha Ciidanka Booliisku marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com