Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa amaro hor leh ku soo rogtay Saxaafadda Madaxa banaan ee Somaliland ka hawl gasha.Amaradan waxaa ka mid ah Kaadh Wasaaradda Warfaafintu bixin doonto,

Cukuse33Cashuur Warbaahinta laga qaadayo iyo in lagu dhaqayo Xeerkii Saxaafadda.

Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Daahir Cukuse,ayaa Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Xarunta Wasaaraddiisa ku soo bandhigay qodobada Xukumaddu kula macaamilayso Hay’addaha warbaahinta iyo wariyeyaasha.

“Xeerar Saxaafadda khuseeya maanta hal xeer baynu haynaa oo waa Xeer lambar 27.waa Xeerka Ururada Saxaafaddu inbadan ku qaylinayeen xeerkaas hanaloo daayo.Xeerkaas Saxaafadda ee Lam 27 ee Daahir Rayaale Saxeexay ee Madaxweyne Siilaanyo saxeexay, ee Labada gole baarlamaan ansixiyay,xeerkaas baanu maanta laga bilaabo idinku dhaqaynaa” ayuu yidhi Wasiir Cukuse oo Warbaahinta la hadlaya

Wasiir Cukuse waxa uu sheegay inuu samaynayo Guddida Anshax marinta Saxaafadda oo Xeer lambar 27 Jidaynayo,taasi oo cid walba ka madax banaan islamarkaana uu Xafiis u samaynay,waxayna ka koobnaanaysaa sida uu sheegay Wariyeyaal Ruug Caddaa ah.

Wasiir Cukuse waxa uu Sheegay inuu maanta laga bilaabo Ruqsada kala noqday Liis dhawr Bog ka kooban uu sheegay inay Yihiin Hay’addo warbaahineed oo Wargeysyo iyo Tv-ya ah balse aan mudo shaqayn qaarkoodna sidii Ruqsada shaqo loo siiyay aanay hawl galin.

“Waxaanu idiinku yeedhnay inaanu ku dhawaaqno,waxaanu Liisamada bilaabaynaa todobaadka soo socda,waxaa la imanayaa Xafiiska Agaasimaha guud,waa la isdiwaangalinayaa,waxaad buuxinaysaa Foom,haddii aad Website leedahay,haddaad Jaraa’id Leedahay, leedahay Madbac iyo kuwan Boodhadhka Xaysiiska, haddaad Tv ama Idaacad leedahay.Agaasimaha guud baad u imanaysaan waxaanuna u samaynaynaa Kaadhkii Hay’addaas warbaahineed kaga qayb gali lahayd goobaha loo baahan yahay(Goobaha Wararka),waxaanu kuu samayn doonaa Liisan aad Cashuurta ku bixiso Sanadkii hal mar,waxaanad ku shubi doontaa Xafiiska Maaliyadda wixii dalku xaq kuugu yeesho” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Amaradan Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo, ku soo rogtay Warbaahinta Madaxa banaan ayaa keeni karta inay Xukumaddu xakamayso Warbaahinta islamarkaana ay sahlanaato inay ruqsada iyo kaadhadhka shaqo kala noqoto Hay’addaha Warbaahinta

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com