Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Tababarihii Kooxda Chelsea Jose Mourinho Oo Goor Dhawayd Lagu Dhawaaqay In Shaqadii Laga Eryey Iyo Nuxurka War Ka Soo Baxay Maamulka Kooxda

Tababarihii kooxda hoos u dhaca ciyaareed la soo darsay ee Chelsea Jose Mourinho ayaa goor dhawayd lagu dhawaaqay in laga eryey shaqadi uu ka hayey kooxdaasi.

Maamulka sare ee Kooxda Chelsea ayaa war saxaafadeed ay goor dhawayd soo saareen waxay ku sheegeen inay guud ahaanba shaqadii ka joojiyeen tababaraha kooxda gacanta ku hayey mudooyinkii  u danbeeyey  ee Jose Mourinho.

Mulkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovic ayaa tababaraha boortaqiiska ah uga mahad celiyey mudadii uu kooxda gacanta ku soo hayey iyo  guulihii uu gaadhsiiyey

Warka ay soo saareen maamulka sare ee kooxda Chelsea ayaa lagu sheegay in wada hadal lagu doonayey

inuu tababarahani isku casilo uu ku dhamaaday is af garanwaa taas oo keentay in shaqada laga eryo waxaana lagu yidhi warka ka soo baxay maamulka kooxda Chelsea “heshiiska uu Mourinho kula jiro kooxda Chelsea waxa ka hadhay dhawr bilood,  waxaana taagan khilaaf u dhaxeeya maamulka iyo tababaraha taas oo kalifaysa inaanu shaqada ka erino tababarahan kooxda gacanta ku soo hayey mudada badan.”Sidoo kale warkan ayaa mahad naq loogu jeediyey tababare Mourinho waxaanu lagu yidhi “ kooxda Chelsea oo dhan way u mahad celinaysaa Jose Mourinho wixii uu ku soo kordhiyey kooxda ilaa iyo markii uu dib ugu soo noqday, kaas oo ku guulaystay sadex koob oo horyaalka ah, FA Cup, Community Shield kaas oo noqonaya tababaraha ugu guulaha badan ee soo maray kooxda Chelsea 110 sano ee ay jirtay.”

Dhinaca kale waxa warkan lagu sheegay heshiiska ay wada gaadheen labada dhinac kaas oo ah “ tababare Mourinho iyo boodhka kooxdu waxay ku heshiiyeen heshiis aan wanaagsanayn xili ciyaareedkan, kaas oo aanu rumaysanahay inuu yahay danta labada dhinac waana inay kala tagaan tababare Jose iyo maamulka kooxdu,  waxaanan u rajaynaynaa inuu si cad uga tago kooxda  isaga oo la soo qaaay xili ciyaaeedyo fiican  kaas oo jeclaa kooxda, ixtiraami jiray calaamad wanaagsana u ah kooxda Chelsea

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com