Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Manchester United ayaa waji gabax kala soo laabtay kooxda ree Denmark ee Midtjylland kadib markii ay ka soo gaadhay guuldaro 2:1 ah. Inkasta oo ay Man United ku hormartay gool uu Memphis Depay udhaliyay

Manchester United ayaa waji gabax kala soo laabtay kooxda ree Denmark ee Midtjylland kadib markii ay ka soo gaadhay guuldaro 2:1 ah. Inkasta oo ay Man United ku hormartay gool uu Memphis Depay udhaliyay ayay haddana soo guuldaraysatay iyada oo  Pione Sisto  kalnsalay goolka Depay laakiin Paul Onuachu ayaa kooxda martida loo ahaa ee Midtjylland udhaliyay goolka ay ku gaadhay guusha taariikhiga ah.

Manchester United ayaa bilaabatay tartanka Europa Leaque-ga waxayna marti u ahayd kooxda ree Denmark ee Midtjylland waxayna labada kooxood kulmeen markii ugu horaysay ee tartanka yurub ah laakiin kooxdan  Midtjylland ayaa afar kulan wajahday kooxaha Ingariiska iyagoo badiyay labo kulan islamarkaana laga badiyay hal kulan. Waxa ay xilli ciyaareedkan durbaba la kulmeen koox Premier League-ga ka dhisan iyagoo Southampton ku reebay 2-1 kulamadii kala baxa ee Europa League.Paul Onuachu of Midtjylland

Van Gaal ayaa cadeeyay in ku guulaysiga Europa Leaque-gu uu kooxdiisa u noqon doono wax fantastik ah isla markaana ay ugu soo bixi karaan Champions Leaque-a madaamo oo ay hadda sii adkaanayso in aUnited ay kaalinta afraad xili ciyaareedkan kaga dhamaysan karto horyaalka Ingiriiska, laakiin iyada oo United ay ciyaartoy muhiim ahi ka maqnayeen ayuu haddana David De Gea dhaawac ku soo gaadhay iskululayntii kulakan ka horaysay waxaana intii ayna ciyaartu bilaamin lagu badalay Sergio Romero.De Gea1

Dhaawaca De Gea ayaa musiibo kale ku noqon kara Van Gaal oo markiiba horeba ay dhaawacyo kaga maqnaayeen ciyaartoy tiro badani, waxayna arintani sabab u noqon kartaa in United ay dhibaato kale soo gaadho. De Gea ayaa door wayn ku lahaa in United ay guuldarooyin badan ka badbaaday. De Gea ayuu dhaawacani ku soo gaadhay kubbad uu badbaadiyay ka hor kulankan wuxuuna ka dhaawacmay canqawga. De Gea 3

Dhaawaca De Gea ayaa dhamaystiray shax xoogan oo ManUnited dhaawaca kaga maqan: De Gea; Darmian, Jones, Rojo, Shaw; Young, Schweinsteiger, Fellaini, Valencia; Januzaj; Rooney 

Shixihii labada kooxood ee kulankan:

MIDTJYLLAND (4-5-1): Andersen; Romer, Kian, Bodurov, Novak; Kadlec, Sparv, Olsson, Hassan, Sisto; Pusic.

Kaydka:Duelund, Onuachu, Royer, Banggaard, Nielsen, Dahlin, Urena

MANCHESTER UNITED (4-2-3-1): Sergio Romero; Love, Smalling, McNair, Blind; Herrera, Carrick; Lingard, Mata, Memphis; Martial.

Kaydka: Poole, Riley, Pereira, Schneiderlin, Weir, Keane.Romero

Van GaalKulankan ayaa ahaa kulan xiiso badan oo ay labada kooxoodba markiiba abuureen fursado goolal lagu dhalin karo, waxaana daqiiqadii 9 aad laba fursadoo oo is xigay abuuray Lingard iyo Memphis laakiin Kian ayaa daboolay dadaalka United, waxayna markiiba ciyaartu noqotay mid xamaasad leh.

Laakiin daqiiqadii 11 aad kooxda martida loo ahaa ee Midtjylland ayaa u uuqatay in ay goolka furitaanka heshay kadib markii koorne la soo tuuray uu xidiga Kian uu ka dhex booday Man United isla markaana uu madaxa ku dhalin gaadhay goolka furitaanka laakiin goolhaye Romero ayaa sameeyay badbaadin cajiib ah laakiin Carrik ayaa kubbada ka soo booday mar labaad ka saaray.Romero1

Daqiiqadii 36 aad kooxda martida loo ahaa Midtjylland ayaa heshay fursadii ciyaarta ugu horaysay ee ciyaarta ugu halsita badnayd kadib markiii uu  Kadlec uu kubbada hal-ka-hal ah uu kula soo baxay goolka Man United laakiin darbo uu goolka ku dhalin lahaa ayuu Sergio Romero lugtiisa ku badbaadiyay, waxayna ahayd fursad gool loo fishay oo cadaan ahayd.

Laakiin fursada uu lumiyay  Kadlec ayay Man United markiiba ku ciqaabtay waxana daqiiqad kadib Man United goolka furitaanka udhaliyay Memphis Depay oo kubbad caawin ka helay Jesse Lingard, wuxuuna xaqiiqdii goolkani uu ciqaab wayn u ahaa goolka ay uu lumiyay Kadlec oo ahaa mid uu difaaca United ka dabaxay, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Man United hogaanka kula wareegtay. Depay ayaa dhaliyay goolkisiii ugu horeeyay tan iyo  21 November 2015.Depay

Laakiin kooxda martida loo ahaa ee  Midtjylland ayaan isdhiibin waxayna goolkeeda furitaanka heshay daqiiqadii 44 aad kadib markii uu Pione Sisto uu kala dhantaalay difaacayada United isla markaana uu dhaliyay gool qurux badan oo ka darbeeyay cidhifka xerada ganaaxa, wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah, sidaa ayaana qaybta hore lagu kala nastay.Pione Sisto Pione Sisto 1

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay labada kooxoodba raadinayeen goolka labaad , waxayna abuurayeen fursado badan. Daqiiqadii 48 aad Lingard ayaa lumiyay fursad fiican kadib markii uu Martial dhulka soo dhigay difaacii ku xidhnaa lakaakiin kubbbada uu u baashay Lingard ayaa goolka dulmartay.

Daqiiqadii 62 aad kooxda Midtjylland ayaa heshay fursada u muuqatay goolkeeda labaad kadib markii uu Onuachu uu gool qurux badan oo madax ah dhalin gaadhay laakiin badbaadinta LAYAABKA LEH ee uu sameeyay Romero ayaa ahayd mid Van Gaal kalsooni ku abuuri karta inta uu De Gea soo kabsanayo, wuxuuna badbaadiyay gool cadaan ah isaga oo hal gacan faraheeda ku badbaadiyay.

Kooxda Midtjylland ayaa markan noqotay kooxda weerarka ugu badan ku jirtay waxayna abuuraysay fursado fiican oo ay dhibaato ugu abuuraysay Man United. Man United ayaa ku dhibtoonaysay weerar  joogtada ah ee ay kooxdani abuuraysay laakiin waxaa ku adkayd dhamaystirka.

WAQTIGII CIYAARTA : Daqiiqadii 77 aad ayay Midtjylland heshay goolka ay fursadaha badan u lumisay isla markaana ay muddada raadinaysay waxaana markan goolka labaad u saxiixay Ebere Paul Onuachu oo ciyaarta badal ku soo galay ,wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:1 ay Midtjyllnad hogaanka kula wareegtay.Paul Onuachu of MidtjyllandWax kastaaba waxay noqdeen kooxda martida loo ahaa ee Midtjylland taas oo Man United gabi ahaanba kala wareegtay kubbada waxayna fursadba fursada ka danbaysay abuurto waxay ugu danbayn heshay goolka ay sida wayn u raadinaysay, wuxuuna Ebere Paul Onuachu goolkan ka dhaliyay meel ka baxsanayd xerada ganaaxa, laakiin markan Romero ayaan ku fashilmay in uu iska badbaadiyo kubbad aan si xoogan u socon.

Man United ayaa qaybta danbe soo badhigtay qaab ciyaareed aad u liita halka kooxda Midtjylland ay ahayd kooxda qaab ciyaareedka layaabka leh soo badhigtay, wuxuuna u ahaa habeen taariikhi ah. Dhamaadkii ciyaarta Man United ayaa bilawday in ay si xoogan u raadiso goolka barbaraha laakiin Depay iyo Lingard oo qaybta hore fiicnaa ayaa qaybta danbe ciyaarta ku dhex lumay. Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:1 ay koooxda ree Denmark ee Midtjylland ay guul taariikhi ay kaga gaadhay Man United.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com