Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Tababaraha Xulka Qaranka France Ee Didier Deschamps Oo Ku Dhawaaqay Liiska 23 Ka Ciyaartoy Ee Xulka Qaranka France Uga Qayb Gali Doona Tartanka Euro2016, Dimitri Payet Iyo N’Golo Kante Oo Liiskan Ku Jira

XidigaHA xili ciyaareedkan wacdaraha ku soo badhigay Premier Leaque-ga ee Dimitri Payet iyo N’Golo Kante oo ka kala tirsan kooxaha West Ham iyo leicester City ayaa lagu abaal mariyay in lagu soo daro liiska xulka qaranka France uga qayb gali doonta tartanka qaramada Yurub ee Euro2016 oo dalka France ka furmi doona dhamaadka xili ciyaareedkan.

Laakiin xidiga khadka dhexe ee Manchester United ee Morgan Schneiderlin ayaa boos ka waayay lisika xulka qarankiisa, wuxuuna kaliya ka soo muuqday liiska heeganka ah ee haddii loo baahdo ciyaartoy laga soo qaadan doono.Waxaa sidoo kale liiska heeganka ah ku jira Hatem Ben Arfa, Kevin Gameiro, Alexandre Lacazette iyo Adrien RabiotRannce

LIISKA CIYAARTOYDA XULKA QARANKA FRANCE EE EURO 2016:

Goolhayayaasha: Hugo Lloris, Steve Mandanda, Benoit Costil.

Difaaca: Raphael Varane, Laurent Koscielny, Bacary Sagna, Patrice Evra, Eliaquim Mangala, Jeremy Mathieu, Christophe Jallet, Lucas Digne.

Dhexda: Paul Pogba, Blaise Matuidi, Lassana Diarra, Moussa Sissoko, N’Golo Kante, Yohan Cabaye.

Weerarka: Antoine Griezmann, Anthony Martial, Olivier Giroud, Dimitri Payet, Kingsley Coman, Andre-Pierre Gignac.

Liiska heeganka: Alphonse Areola, Hatem Ben Arfa, Kevin Gameiro, Alexandre Lacazette, Adrien Rabiot, Morgan Schneiderlin, Djibril Sidibe, Samuel Umtiti.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com