Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kabtan Neymar JR Oo Xulka Qarankiisa Brazil Ku Hogaamiyay Bilada Dahabka Rio Olympics, Inkaartii Brazil Haysan Jirtay Oo Soo Dhamaatay, Xili Jiillka Cusub Ee Brazil Uu Rekoodhayaal Ku Garaacay Germany

Xulka qaranka Brazil ayaa ugu danbayn ku guulaystay bilada dahabka ah ciyaaraha kubbada cagta Olimbikada aduunka  kadib markii ay Germany ku garaaceen rekoodhayaal 5:4 ah, waxaana Germany rekoodhihiisa ka qasaariyay Petersen iyada oo goolhayaha Brazil uu Germany ka hor joogsaday in ay darbadii shanaad gool u badalaan waxaana rekoodhaha guusha isku soo taagay isla markaana guusha ugu horseeday Brazil kabtankooda Neymar JR kaas oo taariikhda Brazil sidaa ku galay.

Labada xul qaran ayaa waqtigii rasmiga ahaa iyo waliba 30 daqiiqo oo lagu daray ciyaarta ku kala bixi waayay barbaro 1:1 ah iyada kabtanada labada xul qaran ee Neymar iyo Meyer ay labada gool kala dhaliyeen. Brazil ayaa ugu danbayn iska reebtay inkaartii ka haysan jirtay bilada dahabka ah ee ciyaaraha Olimbikada iyada oo jiilka cusub ee uu Neymar hogaaminayaa ay jabiyeen darbigii adkaa ee halyay kasta oo Brazil ahi uu soo jabin waayay.Neymar1

SHIXIHII LABADA XUL QARAN EE KULANKAN:

Brazil: Weverton, Zeca, Marquinhos, Rodrigo Caio, Douglas Santos, Walace, Renato Augusto, Gabriel, de Jesus Luan, Gabriel Jesus, Neymar

Kadyka: Uilson, Rafinha, William, Garcia Luan, Rodrigo Dourado, Felipe Anderson, Thiago Maia

Germany: Horn, Toljan, Ginter, Sule, Klostermann, Lars Bender, Sven Bender, Brandt, Meyer, Gnabry, Selke

Kaydka: Oelschlagel, Max, Bauer, Christiansen, Promel, Petersen, Huth.

Mar walba kulan Germany iyo Brazil u dhexeeya xamaasadiisa iyo xiisaha uu leeyahay aduunka oo dhan ayaa si fiican uga dheragsan, laakiin kulankan waxaa khaas ka dhigayay arimo taariikh hadda noqday isla markaana aan waligeed la ilaaawi doonin waana ceebtii Brazil qabsatay 8 July 2014 markaas oo Germany 7:1 ku xaaqday Brazil.

Laakiin fadeexadaa aduunka ku baahnday waxaa ka maqna kabtanka Brazil kaas oo markan u dhaarsanaa xulka qaranka Germanay isla markaana u soo tafa xaytay sidii uu Brazil taariikhdeeda bog dahabi ah uga gali lahaa wuxuuna doonayay in uu sameeyo wixii ay hore u soo samayn waayeen Pele iyo halyayadii Brazil.

Xamaasadan kulankan ma aha mid qoraal iyo hadal midna lagu soo koobi karo waxayna labada xul qaranba ku bilawdeen qaab ciyaareed aanad indhaha ka jeedin karin. Brazil ayaa markiiba awooday in ay kubbada lugta ku dhigto halka Germanay marka ay kubbada dib u helaan ay abuureen weerar aragagax ah. Laakiin jawaabta difaaca Brazil ayaa ahayd mid fantastik ah isla markaana Germany xaalada ku adkaysay.

DAQIIQADII 27 AAD GOOO GOOOL GOOOL! Alla muxuu gool qurux badan ahaa! Inta uu Neymar JR ciyaarta ku jiro markasta waxaad filan kartaa in ay dhacaan wax khaas ahi, wuxuuna xulka qarankiisa udhaliyay gool cajiib ah isla markaana calool xumo wayn ku noqday Germanay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Brazil hogaanka kula wareeegtay.

Brazil2

Neymar ayaa ka faa’iidaystay qalad loogu galay cidhifka xerada ganaaxa Germany , wuxuuna isku diyaari sidii uu xulka qarankiisa ugaga faa’iidayn lahaa fursada dahabiga ah ee ay Germany u soo qadintay, wuxuuna kubbad ay adag tahay in la badbaadiyaa uu shabaqa kaga toogtay halka ay labada birood iska galaan ee ugu saraysa, wuxuuna sidaa ku dhaliyay goolka furitaanka Brazil. Goolhaye Uilson ayaan waxba ka qaban darbada layaabka leh ee lugta Neymar ka soo baxday.

brazil1

Neymar

Germanya ayaa weeraro dhul gariir ah kaga jawaabtay waxayna heleen fursado loo fishay goolka barbaraha iyaga oo  si deg deg ah Brazil hawada uga qarayay, laakiin Brazil ayaa awooday in ay u dhabar adaygto weerarka duufaanta ahaa ee kaga imanaya Germany.

xulka qaranka Germany ayaa u muuqday in bilada dahabka ahi ay diidan tahay waxayna laaba jeer birta u garaaceen Brazil halka ay iska lumiyeen fursado cajiib ahaa. Si kastaba ahaa, qaybta hore ee kulankan ayaa lagu kala nastay 1:0 ay Brazil hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta xamaasada ciyaarta ayaa cirka sii martay iyada oo xulka qaranka Germany uu si xoogan ku raadinayay goolka barbaraha halka Brazil ay dagaal ugu jirtay in difaacato isla markaana ay raadiso goolka labaad ee kalsoonida.

DAQIIQADII 59 AAD GOOOO GOOOOOL! Xulka qaranka Germany ayaa ugu danbayn fursadihiisa gool u badalay waxaana kubbad si fiican loo soo dhisay goolka barbaraha ugu dhaliyay kabtanka Germany ee Maximilian Meyer kaas oo markiisa u jawaabay kabtanka Brazil ee Neymar JR wuxuuna Meyer ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah. Xamaasadii ciyaarta ee markii horeba waalayd ayaa sii laba jibaarantay.

Goolka uu Meyer ka dhaliyay Brazil ayaa ahaa goolkii ugu horeeyay ee xulka qaranka Brazil looga dhaliyay ciyaaraha Rio Olympics kadib markii shabaqa ilaashadeen 509 daqiiqado. Labada xul qaran ayaa bilaabay in ay raadiyaan goolka guusha waxayna ciyaartu noqotay weerar iyo weerar celis dhina kasta laga filan karo goolka labaad.

DAQIIQADII 76 AAD Brazil ayaa umuuqatay in ay heshay goolkeeda labaad  kadib markii Neymar JR uu kubbad dilaa ah ku kala dhantaalay difaaca Germanay isaga oo kubbad cajiib ah u bixiyay  Felipe Anderson oo ciyaarta badal ku soo galay laakiin Andrson ayaa awoodi waayay in uu fursadan dahabiga ah dhamaystiro.

Brazil ayaa markale bilawday in ay go’doomiso Germany waxayna abuurtay fursado aad u badan iyada oo fursada ugu badan uu Luan si liidata u khasaariyay. si kastaba ha ahaatee, waqtigii rasmiga ahaa ee ciyaarta ayaa ku dhamaaday barbaro 1:1 ah waxaana qasab noqotay in ciyaarta waqti dheeri ah lagu daro si labada xul qaran looga kala saaro.

WAQTIGII DHEERIGA AHAA EE CIYAARTA LAGU DARAY:

Germanay ayaa waqtiga dheeriga ah iyo garoonka Maracana Stadium xusuus fiican ku haystay iyada oo la xusuusto qaabkii Mario Gotze uu xulka qarankiisa Germany uu koobka aduunka ugu hogaamiyay waxaana lays waydiinayay in Germany ay markale waqtiga dheeriga ah ugu guulaysan karto Maracana Stadium.

Waqtiga dheeriga ah ayay labada xul qaranba u muuqdeen in ay taxadar badan muujinayeen iyada oo ciyaartoyda da’yarta ah oo waqtigii rasmiga ahaa si xoogan awoodooda u usticmaalay ay u muuqdeen in ay tabcaameen. Sidaa daraadeed 15 kii daqiiqo ee waqtiga dheeriga ahaa ugu horeeyay ayaan wax saamayn ah yeelan.

Labada xul qaran ayaa 15 daqiiqo u jiray in ay guulaystaan ama ay guuldaraystaan, waxaana daaqada laga fiirin karayay suurtogalnimada in rekoodhayaal laysla gaadho.

DAQIIQADII 106 AAD Brazil ayaa markale heshay kubbad ay adag tahay in si sahlan lagu helo kulankan oo kale waxaana marakale kubbadiisii halista badnayd difaaca Germanay dhabarka kaga jabiyay Neymar JR isaga oo markale  Felipe Anderson u bixiyay kubbad uu goolka Germany ugula soo baxay si hal-ka-hal ah laakiin goolhayaha Germanay ayaa hal gacan kubbada koorne ugu saaray. Alla maxay Germanay markan halis ka badbaadeen.

Germany ayaa doonaysay in ay rekoodhayaal laysla gaadho halka Brazil ay wax kasta garoonka ka samaysay balse ay awoodi wayday in ay mar danbe shabaqa Germany soo taabto wuxuun waqtigii dheeriga ahaa markale ku dhamaaday barbaro 1:1 ah, waxaana sida sharciga ah labada xul loo diyaariyay in ay rekoodhayaal tuurtaan.

NATIIJADII REKOODHAYAASHA:

Xulka qaranka Brazil ayaa ugu danbayn ku guulaystay bilada dahabka ah ciyaaraha kubbada cagta aduunka Olimbikada kadib markii ay Germany ku garaaceen rekoodhayaal 5:4 ah waxaana Germany rekoodhihiisa ka qasaariyay Petersen iyada oo goolhayaha Brazil uu Germany ka hor joogsaday in ay darbadii shanaad gool u badalaan waxaana rekoodhaha guusha isku soo taagay isla markaana guusha ugu horseeday Brazil kabtankooda Neymar JR kaas oo taariikhda Brazil sidaa ku galay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com