Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu galabta ka qaybgalay daawashada ciyaartii kama dambaysta ahayd ee koobka xiisaha badan ee gobolada dalka Somaliland

 

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu galabta ka qaybgalay daawashada ciyaartii kama dambaysta ahayd ee koobka xiisaha badan ee gobolada dalka Somaliland. Ciyaartaas oo ahayd mid xamaasad gaara leh labada kooxoodna ay soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan oo dadkii daawanayey la dhaceen hanaanka ay u wada ciyaareen labadaa xul, ayaa qaybtii horeba waxa laba gool dhalisay xulka gobolka Awdal, markiii laga soo laabtay qaybta nasashada ee hafkii hore layskuna soo noqday garoonka waxa gool la timid gobolka saaxil, inkasta oo hool ku laad ciyaarta dhexdeeda loo dhigay ay lumiyeen xulka gobolka saaxil, waxay ciyaartii noqotay gari laba nin kama wada qoslisee waxa koobkii la caraabay guushuna raacday Xulkii ku ciyaaryay Gobolka Awdal.

Markii Ciyaartu dhamaatayna Madaxweynuhu waxa uu abaal marino kala duwan gudoonsiiyey ciyaar yahanadii ugu wanaagsanaa tartanku intii uu socday, iyo koobabkii kala duwanaa ee isugu jiray Orodada, Baaskidka oo iyana uu madaxweynuhu halkaasi ku gudoonsiiyey xulalkii ku guulaystay, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu shahaado sharaf gudoonsiiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyada, Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, Wasaaradad Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta.

Ugu dambayntiina waxa madaxweynuhu uu bixiyey Koobkii Qiimaha gaarka ah lahaa ee loo tartamayey ee ay ku guulaysteen Xulka Gobolka Awdal, waxaana sidaasi ku soo xidhmay tartankii koobka gobolada Somaliland.

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, oo warbaahinta la hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey gabagabada tartanka ciyaaraha goblada dalka waxaanu yidhi “ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, iyo xubno wasiiro ah oo aan ka mid ahay ayaa galabta garoonka Hargeysa Stadium kaga qayb galay gunnaanadka tartanka ciyaaraha gobollada.

“ Tartanka ciyaaraha gobollada Jamhuuriyadda Somaliland, Xukuumad ahaan waxaanu saarnay xoog sidii ay u qabsoomi lahaayeen, waxaanu uga gol lahayn in aanu beerno jidh caafimaad qaba, in aanu dhiiri galino is dhexgalka, iyo isbarashada ciyaartoyga da’ yarta ah, in ciyaartoyga iyo dhalinyarada guud ahaan laga mashquuliyo balwadaha, tahriibka iyo wixii la mida ah. “

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalen hambalyey wasaarada Ciyaaraha waxanu yidhi “ Ciyaaraha maalinba cidbaa badisa, kubadduna waa bar madow iyo bar cad, waxaan leeyahay Hambalyo Qaranka Somaliland oo dhan sida ciyaaraha gobolladu inoogu qabsoomeen, oo runtii aad iyo aad ugu duwanaa qaabkii hore. Wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland guud ahaan waan u hambalyeynayaa, gaar ahaana waxaan u hambalyeynayaa ciyaartoygii ka soo qayb galay tartankan, kuwii wareegii koowaad ku hadhay iyo kuwii wareega labaad u soo gudbayba.

Wasiirka Madaxtooyadda ayaa sidoo kale hambalyo u diray kooxaha xulalka gobolka Awdal iyo gobolka Saaxil waxaanu yidhi “ Waxaan hambalyo weyn u jeedinayaa xulka gobolka Awdal iyo xulka gobolka Saaxil oo maanta ciyaartii kama dambaysta ahayd ku kulmay, waxaan leeyahay xulka gobolka Awdal hambalyo, koobka ay qaadeen, aad ayaan ugu hambalyeynayaa ugu bogaadinayaa, waxay soo bandhigeen dadaal faro badan. Dhinaca kale xulka gobolka Saaxil iyagana waxaan ku bogaadinayaa oo ay soo bandhigeen ciyaar aad u fiican oo farshaxan-nimo leh sidoo kalena waxaan ku hambalyeynayaa koobkii ay xalay qaadeen ee kubadda kolayga, waxaan leeyahay qoloba hal koob ayey la carowday, markaa guul weyn weeye, waxaan rajaynayaa inay halkaas inooga sii socdaan, sanad walba aynu wax korodhsano, qabashada tartanka ciyaaraha Goboladu qaran ahaana waa guul inoo soo hoyatay.

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com