Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Real Madrid Oo Awood Ku Muquunisay Cududii Bayern Munich, Zidane Oo Muujiyey Khibrad Iyo Ronaldo Hatrick Dhaliyey

kooxda uu hogaamiyo Zinadane ee Real Madrid ayaa gurigeeda ku karbaashtay kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich. Real ayaa ciyaaraysay iyadoo kusoo badisay 2-1 garoonka Bayren MUNICH, Waxaanay u baahnayd oo kaliya inay barbar dhac ku dhamaysato ama aan laga dhalin wax goolal oo kabadan 1-0. ciyaarta ayaa ahyd qaybtii hore weerar iyo weerar celis waxaana isku dheeli tirnaa weerarka labada kooxood. hadaba markii laysku soo noqday Bayern ayaa samaysay weerar badan oo kala go’lahayn waxaana goolkii furitaanka u saxeexay Robert Lewandowski, kaasoo rajo u iftiimiyey Munich. balse Zidane ayaa sameeyey laba bedel ah, waxaana uu soo galiyey xidigaha Marco Asensio iyo Lucas Vazquez, waxaana u suurto gashay inay Real dhaliyaan goolka barbaraha, waxaana u saxeexay Ronaldo. balse waxay sii xumaatay arintu markii laba daqiiqo kadib uu ka gool iska dhaliyey Ramos.

ciayarta ayaa noqotay 2-1 ay Bayern leedahay, balse Real waxaa u baxay  ididiilo markii 84-naad casaan laga siiyey Arturo Vidal, Bayern noqotay 10 ciyaartooy. balse wax goola may dhashan sagaashankii daqiqo waxaanay kusoo idlaatay 2-1, sidaas darteedna waxaa lagu daray 30 minut.

haddaba waxkastaa waxay isbadeleen 30 daqiiqo halkaas oo Real 3 gool ugu dartay Bayern, waxaanay ciyaaartu kusoo idlatay 4-2 ay guushu ku raacday Real Madrid.

Ronaldo aya dhaliyey kulankan 3 gool hatrick, Zidane waxa uu maamulay Khatartii uu ku jiray Casamero oo huruud iyo digniino qabay, sidoo kale Ronaldo ayuu sagalka dhigay si uu da’yarta baalaha iyo Marcelo ugu ciyaaro, waxaanu daayey Morata inuu ku casuumo kulankaasi, go’aanadasina waa kuwa ka caawiyey guusha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com