Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Daah-Furtay Dib-U-Eegista Iyo Kaabista Sharciga Shaqaalaha Dawladda S/Land.

Hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland, ayaa 22 sanno oo hay’addaasi jirtay ka dib hada dib u daahfurtay dib u eegis iyo Kaabis lagu sameynaayo sharciga shaqaalaha kala duwan ee dawladda.

HAYADA 1

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa tafaasiil ka bixiyey kulan balaadhan oo hay’adda shaqaalaha dawladdu ku qabatay Caasimadda Hargeysa, kulankani oo ay ka soo qaybgaleen Guddoomiyaha Guddida Arimaha bulshadda G. Wakiilada, Garyaqaan ku xigeenka guud ee Qaranka, madax ka socotay Waaxaha Sharciga ee Wasaaraddaha iyo Hay’adda dawladda, ayaa shirkani lagu daahfuray Kaabista iyo wax ka bedelka sharciga ee shaqalaha dawladda Sharci Lamb. 07/96.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo sharaxaayey Kulankani Sharciyadda Shaqaalaha dawladda dib loogu habaynaayo waxa uu hadalkiisa u dhignaa.

HAYADA 2

-Kulan balaadhan oo ay soo agaasimeen Hay’adda Shaqaalaaha Dawladda isla markaana ay ka soo qayb-galeen; Gudoomiyaha Guddi hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Gollaha Wakiilada, Ku-xigeenka Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Agaasime-waaxeedyada maamulka Cudduda Shaqaalaha iyo madaxda waaxaha Sharciga ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda ayaa lagu daah-furay kaabista iyo wax ka bedelka Sharciga Shaqaalaha Dawladda Sharci Lamb. 07/96.

Intii kulanku socday ayaa lagaga wada hadlay kaabista, wax ka bedelka iyo hannaanka loo marayo ansixinta Sharciga Shaqaalaha Dawladda oo mudo 22-sanno ah u baahnaa dib-u-eegis iyo wax ka bedel si uu u noqdo mid si buuxda uga jawaabi kara xuquuqaha iyo waajibaadka Shaqaalaha Dawladda

Iyadoo horay loo sameeyey 16 Siyaasado iyo hageyaal isugu jira oo dhamaantood la xidhiidha kor u qaaddida cudduda shaqaalaha Dawladda ayaa kaabista iyo wax-ka-bedalkan lagu samaynayo sharciga shaqaalaha Dawladdu-na noqon donnaa mid ka jawaaba baahiyaha dhabta ah ee la xidhiidha duruufaha dhabta ah ee Shaqaalaha Dawladda.

Waxaa xaqiiq ah in hiilka iyo habaynta ugu balaadhan ee Shaqaalaha Dawladdu u baahanayeen ay ka mid ahayd samaynta Siyaasado iyo Sharci u damaanad qaada helitaanka; kobcin, qiimayn, dalacaad, carbin, xuquuq, magdhaw, horumarin, tababar, xog-keydin, shaqo daadajin, jihayn IWM kuwaas oo imika dhamaantood dhamaad ku dhaw isla markaana shaqaalaha Dawladda ka dhigi doona kuwo dhan walba ka dhamaystiran

Illaahay Fadligii waxaa si wanaagsan u socda hayaanka loogu jiro in Shaqaalaha Dawladda JSL noqdaan Shaqaalaha ugu haynta iyo haybada badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com