Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Suurad Qur’aanka Ku Jirta Oo Daawo U Ah Hilmaanka Iyo Fahmo Xumida

Ma rumaysan kartaa inay jirto suurad Qur’aanka ku jirta oo hadii aad akhrisado kaa daweynaysa ilawshiyaha (hilmaanka)?

Cajiib!!
Hilmaanka iyo fahmo xumidu waa xanuun beryahan danbe aad looga cabanayo taas oo aad arkayso qof dhalin yaro ah oo hadana markad wax weydiiso kugu odhanaya wan hilmaamsanahay ama si fiican uma xasuusto, markaan sidaa leeyahay uma jeedo yaan waxba la ilaawin ama la hilmaamin waayo ilaahay ayaa bani aadamka ku tilmaamay ilawshiyo badane, balse waxan u jeedaa ilawshiyaha xanuunka ah ama xasuusta oo qofka ku yaraata sabab kastaaba ha keentee. Waxan maanta halkan kuso bandhigaya labo qiso iyo dawadooda sida ay suurada quraanka ahi u dawaysay.

Ibnu haashim ilahay raali haka noqde aya siiradiisa ku werinaya ( masaajidkii ibnu cabaas aya maalin waxa soo galay wiil dhalin yar ah, dharkiisuna ay wasakh leeyihiin isla markan isla hadlaya oo xaga maskaxda ka jirran( waalan)
dadkii masaajidka joogay aya arkay wiilkan xanuunsanaya ee masaajidka soo galay ka dib dibada ayay u saareen. Inbu cabaas aya sheekadii maqlay oo dadkii ku yidhi muxu aha wiilkani? Waxay ugu jawaaben waa qof xanuunsan oo waalan wuxu sameynaya aan is garanayn.

Saaxiibkii rasuulka (n.n.k.h) oo ibnu cabaas ah aya yidhi iigu yeedha wiilka, marki loo keenay ayuu gacmihiisa madaxii wiilka saaray waxaanu ku akhriyay suuratu YAASIIN markii uu ku dhameeyay akhriskii ayu ilaahay usoo celiyay caqligiisii xanunkiina ka caafimaaday? Dadkii aya weydiiyay wuxu ku akhriyay ee ilaahay caqliga ugu soo celiyay wiilka? Wuxu ugu jawabay waxan ku akhriyay suuradii rasuulku ku sheegay inay tahay wadnaha quraanka. (suuratu yasin)

Sheekhul islaam ibnu taymiyah ayaa yidhi ( hadii waxan doonayo inaan xafido ay igu adkaado xifdigiisu ama markasta aan hilmaamo (xasuusan waayo) faraha ayan ka qaadi jiray waxaanan soo qaadan jiray kitaabka Qur’aanka waxanan akhrisan jiray suuratu Yasiin markan dhameeyo ayan ku noqon jiray wixii igu adkaaday ama aan hilmaamay markaan hal mar akhriyo ayan xafidi jiray).

In kasta oo Qur’aanku dhamaantii hanuun iyo daawo u yahay dadka muslimka ah ayay hadana suuratu Yaasin tahay furaha maskaxda iyo daawada ilawshiyaha.

Ilaahay haynaga dhigo kuwo ay anfacdo if iyo aakhriba

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com