Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maxamed Ibraahim warsame hadraawi Dibadyaal | 27/7/1981.

“Dadka aad ka dhalatiyo
Dalka aad u dhalatiyo
Nin la yidhi danta u tali,
Hanad laga dabqaatiyo
Diric iyo fariid noqo,
Dibindaabyo ka ogow,
Duco iyo xusuus iyo
Duug aad ka dhaxashide
Xilka daacad ugu hay,
Ha dullayne gaadhsii
Meeshay daraaddeed
U galeen dagaalkii
Diiftiyo kulka lahaa,
Dibudhaca ka maaree,
Dumar iyo rag hawlgali,
Kartidooda deeqsii,
Derejow sugnaato
Guul baa u dagatee,
Alla doori saw kaa
Darka jiidhay Maaweel!

Waxan dooddi kaga baxay
Hadalkana ku daa idhi,
Nin dab liqay Rashiidow
Dhuxul buu ka daacaa!
Ma darmaanta booddee
Didday baan u jeedaa?
Ma daliilka muuqdiyo
Dhamac hoos ka darartoo
Is dallaallimaysiyo
Danbas baan aqaannaa?

Halka Deyr wakhtigu dhigo
Dib baa looga sheekayn
Ka-daraa u magac bixin!”

– Dibadyaal | 27/7/1981.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com