Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Iran Oo Shaacisay Tallaabada Ay Ugu Aargudi Doonta Dilka Qasem Suleimani

Lataliyha arrimaha milateriga ee hogaamiyaha Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay telefishenka CNN ee dalka Mareykanka waxaa uu kaga hadlay tallaabada xigta ee laga fili karo Iran, kadib markii Mareykanka uu dilay Qasem Suleimani oo ahaa sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada ugu awoodda badan Iran.

Jeneraal Hossein Dehghan ayaa sheegay in Iran ay aargoosan doonta, ayna toos u bartilmaameedsan doonta “xarun milateri oo uu Mareykanka leeyahay”.

Lataliye sare Dehghan oo sidoo kale horay usoo noqday wasiirkii gaashaandhiga ee Iran ayaa sheegay in tallaabada xigta ay ka imaan doonta Iran, balse aysan ahayn mid laga sugi doonaa kooxaha taabacsan ee ka dagaalama gobolka.

“Waxaa laga yaabaa in la is yiraahdo tallaabada xigta waa hawgal dadban ah, waxaan leenahay Trump annaga ayaad si toos ah inoo soo weerartay, annaga ayaana tallaaba toos ah kaa qaadi doona.”

Mareykanka ayaa waxaa bariga dhexe ka jooga ciidamo aad u tira badan, kuwaas oo kala joogaa dalalka Ciraaq, Sacuudiga, Urdun, Kuwait, Qatar, Imaraatka iyo Turkiga, waxaana dalka Ciraaq oo keliya ka jooga ciidan gaaraya shan kun oo askari.

Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twiter-ka ku qoray “in haddii Iran ay weerarto saldhigyada Mareykanka ama muwaadin Mareykan ah uu dalkiisa uga jawaabi doona hubka casriga ah ee uu heysto!”

“Waxaan Iran kula talinayaa in aysan ina weerarin, haddii ay ina weeraraan, annaguna waan weerareynaa”, ayuu Trump ku qoray bartiisa Twiter-ka.

Haseyeeshee arrintaas waxaa ka jawaabay Dehghan oo sheegay in Mareykanka uu billaabay dagaalka, dhameystirkana ay leedahay Iran.

Dehgahn waxaa kale oo uu ka jawaabay hanjabaad kasoo yeertay madaxweyne Trump oo ahayd in Mareykanka uu bartilmaameedsan doonaa 52 xarumo dhaqameed, haddii ay Iran qaado tallaaba aargoosi ah.

Waxaana uu yiri “haddi ay 52 bartilmaameedsadaan, 300 oo aan gaari karno ayaan annaguna bartilmaameedsaneynaa oo ma jiri doonta saldhig milateri oo uu Mareykanka leeyahay oo nabad ahaan doona, ma jiri doonta askar Mareykan ah oo nabadgeli doonta, ma jiri doona Markab dagaal oo uu Mareykanka leeyahay oo nabad ahaan doona.

“Dhammaan shacabka Iran waa Qasem Soleimani, qofka hadda isaga lagu badelayna waxaa uu ka hoos shaqeynayay inkabadan labaatan sano, waxaana uu aaminsan yahay qaacidadii iyo iyo xeeladii uu lahaa Qasem,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Dhanka kale, madaxweyne Donald Trump ayaa ku hanjabay in cunaqabateyn aad u ballaaran uu kusoo rogi doona Dowladda Ciraaq, haddii ay dhaqangeliso qaraar uu meel-mariyay barlamaanka dalkaas.

Donald Trump ayaa sheegay in saldhigga cirka ee uu Mareykanka ku leeyahay Ciraaq ay ku baxday balaayiin doolar, ciidamada Mareykakana aysan ka bixi doonin dalkaas ilaa iyo inta mas’uuliyiinta dalkaas ay ka bixinayaan kharashka Mareykanka uga baxay dhismaha saldhigaas.

Barlamaanka dalka Ciraaq ayaa ansixiyay qorshe dalkaas looga saarayo ciidamada ajnabiga ah ee jooga gudaha wadanka Ciraaq.

Arrintan ayaa lala xirirnayaa dilkii uu Mareykanka gudaha dalka Ciraaq ugu geystay Jeneraal Qasem Suleimani oo madax ka ahaa cutub kamid ah ciidamada ugu awoodda badan Iran, waxaana dilkiisa ay sii hurisay xiisadii awalba u dhaxeysay Iran iyo Mareykanka.

Kulan aan caadi ahayn oo uu baarlamaanka dalkaas yeeshay maalin kahor ayaa xildhibanaada barlamaanka waxay dowladda ugu baaqeen in dalkaas ay ka saarto ciidamada ajnabiga ah ee jooga, sidoo kalena ay ka laabato codsi ay xukuumadda horay ugu gudbisay xulafada uu hogaamiyo Mareykanka oo dhigaya in xukuumadda Baqdaad ay ka caawiyaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.

Qaraarkan ay soo jeediyaan xildhibaanada barlamaanka ayaa u baahan in xukuumadda dalkaas ay saxiixdo, si meesha looga saaro heshiiska hadda jira ee ay xukuumadda Baqdaad la gashay Mareykanka.

Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq, Adel Abdul Mahdi ayaa kahor meel marinta qaraarka waxaa uu barlamaanka dalkaas ugu baaqay in ay soo afjaraan joogitaanka ciidamada shisheeye ee ku sugan Ciraaq.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com