Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“HADII SOMALILAND BAARLAMAAN ADAGI JIRI LAHAA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI KHIYAAMO QARAN AYAA LAGU SOO OOGI LAHAA”! HOGAAMIYE DHIMBIIL.

Somaliland Waxa jirta intii xisbiga Kulmiye dalka hogaanka u hayey in si rasmi ah Somalia iyo Somaliland isku dhex galeen oo furistii wadahadalada Somaliland iyo Somalia aan laga fiirsan waxa qaranka kaga iman kara iyo waxa ay Somaliland yeeli karaan.

Sanadkii wadahadalada Somaliland iyo Somalia la furay Somalia waxa ay ku jirtay dawlad loo yaqaano ku meelgaadh oo uu shariif sh Axmed hogaaminayey Somalia wada hadaladii ay Somaliland la furtay waxa ay kaga baxday waxii loo yaqaanay ku meelgaadhka .

Wadahadaladii sii socday mar kale Somalia waxa ay caalamka kaga kasbatay in la aqoonsado oo ay aqoonsi caalamiya oo kii jamhuuriyadii Somalia lahayd la siiyo , safaaradihii aduunka oo dhan iyo xafiisyadii ururada goboleedyada iyo ururada caalamiga ah dhamaantood muqdisho laga furo , qaar ka mid ah Somaliland baa fududaysay oo kala shaqeynaysay sida xafiiska maamulka hawada.

Somaliland waxa ay si dadban u hoos tagtay Somalia , in wadahadaladii hore lagu qasaaray na waxa qiray isla xukuumadii wadahadalada la furtay Somalia oo aragtay in ay meel cidlo ah taagan tahay, waxa ay ahayd in maalintaasi hadii Somaliland in uun isla xisaabtan iyo ilaalin sharci jirto in lagu oogo khiyaamo qaran , cidii bilowday iyo kuwii ogolaadayba , laakiin ma dhicin.

Waxaasi oo dhan waxaa ka daran xukuumada kulmiye 2 ee maanta talada haysa ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Muuse Biixi oo inta ay shir kaga qayb gashay Djibouti dadka Somaliland masiirkoodii iyo waxii lagu soo baaba’ay ee lixdanka sano (60yrs) loo halgamayey ka dhigtay hal bacaad lagu lisay soona qaadatay wax lagu sheegay isdhex-gal oo Somaliland iyo Somalia la isku furay.

Madaxweyne Biixi waxa uu noqday Madaxweynihii koowaad ee dadka Somaliland si badheedh ah u badhi furay tacabkoogii waliba shacbiga la soo hortaagan waa la isku soconayaa oo ciyaaraha , dhaqanka , iyo waxii aan siyaasada ahayni way isdhex soconayaan , waa wax aad loola yaabo , waxa kale oo wax lala yaabo ah in dalkii dhamaa cid ka hadasha la waayo marka xisbiga ucid oo diiday laga reebo.

Xisbiga waddani waxa uu taageero y muujiyey xukuumada, gadhwadeenkiisu waxa uu ahaa kii hore na u furay wadahadalada isaga oo raisal baarlamaan ah maantana ku taageersan xukuumada soo qaadatay isdhexgalka iyo wax aan Somaliland qaban , oo laftiisu kama maqnaanayo hadii khiyaamo qaran cid oogta la helo iyo dad u soo jeeda dalkooda.

Hadii maanta la xisaabtami waayey waxa imanaysa maalin lagu xisaabtami doono waxa jariimad iyo dunuub laga gallay shacbiga Somaliland ee tamar iyo tacab waxii ay hayeen qaranka Jamhuuriyada Somaliland iyo halgankii loo soo maray uu gallay.

Qaranimadu waa haybad iyo sharaf kumayaal halyey loo waayey , konton kun oo qof in ka badan oo maati iyo caruur ah loo laayey oo diyaarado loogu duqeeyey , badhna darxumo iyo daryeel la’aan ugu dhinteen qaxootiyadii iyo xanuunadii uu keenay qaxii dalkan dadka xooga dawladnimo lagaga saaray , dalka waxaasi oo dhib ah loo soo maray may aheyn maanta in laga baayac muushtareeyo qadiyadiisa.

Waxa aan shacabka Somaliland u soo jeedinayaa in la isugu soo baxo magaalooyinka waaweyn oo qadiyadooda iyo qaranimadooda mudaharaado salmi ah ay ku difaacaan iyaga oo aan qaybsanayn ee qaran ah , diidaana waxkasta oo mugdi iyo madmadaw ku jiro oo shaki galin kara masiirka shacbiga Somaliland ee jiritaanka qaranimada Somaliland.

QALINKII;Mohamed Abdi Jama

Somaliland people’s party leader

Hogaamiye Dhimbiil

+252634429221

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com