Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Magacyadda Xubno La Filayo Inay Ku Waayayaan Shir Weynaha Xisbiga WADDANI Xilalka Ay Ka Hayaan Xisbiga

Shir weynihii labaad ee Xisbiga WADDANI ayaa la filayaa inuu qabsoomo dabayaaqada bishan October 2021-ka,kaas oo ka qabsoomaya Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa,isla markaana ah mid aad u xasaasi ah oo si weyn loo sugayo qabsoomidiisa.

Shir weynaha Xisbiga WADDANI oo ah shir weynihii 2aad ee Xisbiga,ayaa ah mid lagu doorran doonno xillal kale duwan,kuwaas oo kale ah Guddoomiyaha Xisbiga ee shanta sanno ee soo socoda iyo shantiisa Guddoomiye ku-xigeen iyo weliba Xoghayaha guud ee Xisbiga iyo ku-xigeenkiisa.

Shir la sheegay in dhawaan ay guddida fullintu la yeellatay guddida qaban qabaabada shir weynahay Xisbiga WADDANI ayaa la isku waafaqay in lagu tartamo xillalka sar sare ee Xisbiga,kuwaas oo ay kamid yihiin jagada Guddoomiyaha iyo jagooyinka shanta Guddoomiye ku-xigeen iyo weliba jagada Xoghayaha guud oo isagu uu si ku meel gaadh ahaan u sii hayey khadar Cabdi Xusee,halka la sheegay in kursiga ku xigeenka Xoghayaha guud ee Xisbiga uu isna noqon doonno mid lagu tartamo.

Haddaba waxa la sheegay tan iyo markii ay soo baxday in dhammaan xilalka sare ee Xisbiga WADDANI lagu tartami doonno shir weynaha Xisbiga,isla markaana uu soo dhawaaday shir weynihii Xisbiga wakhtigii uu qabsoomi lahaa,ayaa xubno baddan ay waddanaha farta ku hayaan,kuwaas oo ay kamid yihiin Guddoomiye ku-xigeeno iyo Xoghayayaal uu kamid yahay Xoghayaha guud,waxaana soo fullay culays iyo cabsi baddan,kuwaas oo la sheegay in ay ka cabsi qabaan xilalka ay hayeen in laga qaado,isla markaana laga door-biddo siyaasiyiin kale oo cod, cuud iyo cudud iyo waayo arrag-nimo la biddayo ama lagu tuhmayo inay Xisbiga guul u horseedi karrayaan doorashada Madaxtooyadda ee la filayo inay kal dambe 2022-ka dalka ka qabsoonto.

Sidoo kalene xubnaha xilalka ku waayi doonno shir weynaha Xisbiga WADDANI ee la xaqiijiyey ,ayaa la sheegay inuu kamid yahay Xoghayaha guud Khadar Cabdi Xuseen,kaas oo si ku meel-gaadh-nimo u hayey xilkaas muddo,waxaana la sheegay in booskaa la siin doonno siyaasi ka soo jeedda Beesha Madaxweyne Biixi,iyadoo kullamo arrintaas ku saabsan ay hadda u socdaan siyaasiyiinta Beesha Subeer Awal ee ka tirsan xisbiga WADDANI,kuwaas oo ciddii ay isku soo waafaqaan loo doorran doonno booskaa marka la gaadho shir weynaha Xisbiga.

Waxa kale oo la sheegay in Hoggaamiyaha Xisbiga Xisri Cali Xaaji Xasan uu isna ku waayi doonno xilka Hoggaamiyenimo,iyadoo la sheegay in laga saarri doonno magaca Hoggaamiye qaab dhismeedka Xisbiga WADDANI,balse ma cadda waxa lagu baddeli doonno.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com