Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

BARAHA FACEBOOK, WHATS APP IYO INSTAGRAM OO CAAWA HAWADA KA WADA BAXAY IYO SABABTA

Facebook, iyo baraha kale ee shirkadaas ay leedahay ee Instagram, WhatsApp iyo Messenger ayaa hawada ka wada maqan iyada oo balaayiin qof oo adeegsan jiray ay dareemayaan saameynteeda.

Barahan ayaa waxaa ku yimid cilad billaabatay muddo hadda ku dhow laba saacadood kahor, welina waa ay socotaa, waxayna saameysay caalamka oo dhan.

“Waxaan ka war haynaa in qaar ka mid ah dadka ay dhibaato ku qabaan inay galaan baraheena,” waxaa sidaas yidhi afhayeen u hadlay facebook Andy Stone oo qoraal soo dhigay barta twitter-ka.

Dadka isku dayaya inay galaan facebook ayaa waxaa ka hor-imanaya farriin odhanaysa “Waxbaa qaldan. Waan ka shaqeyneynaa, waana xalin doonnaa, sida ugu deg degta badan oo aan u awoodno”.

Cilladdan ayaa timid maalin kadib markii gabadh ka shaqeyn jirtay facebook oo ka tagtay balse hore u qaadatay dokumentiyo sir ah ay barnaamijka 60 Minutes ee taleefishinka CBS ee Mareykanka u sheegtay, in shirkadda ay qarisay xogta daraasad ay ku ogaatay in bogaggeeda ay huriyaan naceybka iyo rabshadaha, halisna ku yihiin maskaxda carruurta.

Frances Haugen, oo ah 37 jir kasoo jeeda gobolka Iowa, ayaa sheegtay inay la shaqeysa Google iyo Pinterest balse ay a arag wax loo dhigo sida ay Facebook u xun tahay.

Waxay sheegtay in facebook ay ogolaato in naceybka iyo rabshadaha lagu faafiyo bogaggeeda, ayna iska indho tirto, sababtoo ah “akhbaaraadka noocaas ah waa kuwa aad loo daawado, lacag badan oo xayeysiin ahna usoo xareeya Facebook.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com