Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“MUUSE BIIXI TAAGEERAYAASHII MADAXWAYNAHA KA DHIGAY (55%) ISAGA AYAA KALA NAQAYSTAY, OO INTII DOOKHIISA CAJABISAY KALA DHEX BAXAY INTII..”CALI GURAY.

MEEL AAN LAGAA RABIN…

Madaxwayne Muuse dadkiisa wuu yaqaan, isaga ayaana naqaysan yaqaan ee cid kale inay u naqayso ma ogola? Taageerayaashii Madaxwaynaha ka dhigay (55%) isaga ayaa kala naqaystay oo intii dookhiisa cajabisay kala dhex baxay intii kale-na yidhi idiinma baahni ee dhulka u kala kaca oo meel ka Qabsada. Taas ayay taladiisi noqotay. Afar sanadood ayuu Habdhaqankiisu sidaa ahaa. Hadda oo Kulmiye gudo-haawaday Ayaanu dan iyo muraad cidna ka lahayn. Wax uu sii kala didiyo Ha joogto eh cid uu isu soo ururiyo ha ka sugan.

Marka aan kaftamayo waxan idhaa “ waar Kulmiye sawkii odaygu ugu wanqalay Kursigiisa markii uu guusha gaadhay. Hadda ha soo wareejiyo ayuun baa afar sanadood la lahaaye muxuu hayaa ha soo wareejiyo eh? Hadaan haragii uun ha iska keeno la lahayn anigu garan maayo wax kale uu wareejiyo”

Hadda ayuu ogolaaday baan maqlay in Gudoomiyaha Kulmiye uu ku wareejiyo saaxiibkii Maxamed Kaahin. Bacaluul isqaaday baan idhi! Waase goorma? Fiicnaan lahaydee hadii uu yeeli lahaa sidii uu Axmed Silanyo yeelay ee isaga laftiisa ugu wareejiyay xisbiga. Malaha hadda waxa ka dhaw ta Xirsi oo isaguba reerka ah dhawaanna noqon doona Gudoomiyaha Xisbiga Waddani. Xirsi waxa lagu wareejinayaa waa weel buuxa Oo weliba laga yaabo in uu sii buuxdhaafo eh Muuse muxuu ku Wareejin doonaa Maxamed? Ma Weel madhan uu isagu sii Faaruqiyay uu leeyahay Maxamadow adigu u doono waxaad ku Shubato? Ma xuma ilayn siba si bay dhaantaaye.

Muuse wixiisu waa xiniinyo taabasho iyo kaalay iska kay celi Madaxwayne ayaan ahaye. Muslaxaad ma yaqaan wax iska celin mooyaan kol ay ilmo yar tahay,

Markaa Maxamuud Iyo inta hareero taagan ee qoorwayntii Kulmiye ahayd ee kale waxan filayaa in lagu qasbay go’aan Kasta oo ay qaataan. Waanay qaadan doonaan go’aan aan ka Farxin doonin Muuse Biixi.

Gabyaagii caanka ahaa ee Faarax Nuur ayaa yidhi:

RAG KAA FAQAY RAFIIQ NIMAA TIHIIN TALO LAGAA REEBAY

MEEL AAN LAGAA RABIN INDHAHA LA LAMA SII RAACO

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com