Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“WIXII LA ISKU QABTO MAXKAMADII KALA SAARI LAHAYD MA DHISNA, MAXKAMADII DASTUURIGA AHAYD WAA IN LA SAMEEYAA” MUJ DHAGAWAYNE.

Muj Ibrahim Xuseen “Dhagawayne” Oo kamid ah sraakiishii hogaminaysay halgankii dib uxoraynta Somaliland ayaa Ka Dayriyay Muranka Sharci Ee Dalku Uu Galay Iyo Jiritaan La.aanta Maxkamad Dastuuriya Oo Wax kala Saarta.

Sidoo kale muj gadhawayne ayaa ku baaqay in deg deg ah loo sameeyo maxkamadii dastuuriga ahayd ee dalka oo aan hada jirin si loo helo cid xalisa muranada sharci ee yimaada.

“Xaalad adag ayaa la gali doonaa, hadii aan xaaladan caqli lagu darin oo meel xun bay gaadhaysaa, ismaandhaafku halkuu marayana wuu kala fog yahay imika,

“Wixii la isku qabto maxkamadii kala saari lahayd ma dhisna, Maxkamadii dastuurka waa in la sameeyaa, waayo maxkamad dastuuriya ayaan wadanka ka jirin oo 30 sanno ayaynu ku samayn waynay;

“Wixii sharciga ku qoran waa in la yeelo oo sharciga la raaco”. Ayuu yidhi Mujaahid Dhagawayne.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com