Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“Haddii Doorashada Madaxtooyada La Qabto, 15-ka Ururba Waxay U Ololayn Doonaan Musharraxa Kulmiye..” Wasiir Toorno

Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in lala xisaabtamayo Xildhibaannadii wax ka beddelka ku sameeyay Xeerka doorashooyinka isla-markaana ka dhigay in mar la wada qabto doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo Maanta hadal ka jeediyey Xaflad lagu qabtay Magaalada Burco, ayaa sheegay in Xildhibaannada Golaha Wakiilladu aanay si wanaagsan u gudan waajibaadkooda shaqo, balse ay Saacado kooban ku sugnaadaan fadhiyada uu yeesho Golahoodu, xitaa marka ay Golaha ku sugan yihiin Masuuliyiinta waaxda fulinta ee Guddiyada Golaha Wakiilladu ugu yeedhaan isla Xisaabtanka “Markii Golaha la iiga yeedhay Xildhibaannadu waxaan u malaynayaa inay Lixdan ahaayeen, laakiin markii aan hadalka sii dhamaynayey waxay ahaayeen illaa 30 Mudane, intaana Guddoomiyahoodu wuxuu lahaa Waar fadhiista, mid su’aal loo

diidayna Waraaqihii buu daadiyey, markaa iyagana waa lala xisaabtamayaa..” ayuu yidhi Wasiir Toorno oo xil-gudasho la’aan ku eedeeyay Xildhibaannada Golaha Wakiillada, waxaanu intaa ku daray in Xeerkii wax ka beddelka lagu sameeyay aanu soconayn, maaddaama oo ay u hadheen laba Jaran-jaro oo kala ah Golaha Guurtida iyo Madaxweynaha, kuwaasi oo awood sharci u leh inay diidaan oo at Golaha dib ugu celiyaan, laakiin haddii si kale loo eego Xeerka ay 33-ka Xildhibaan wax ka beddeleen uu Xisbiga KULMIYE ka faa’iiday “Haddii doorashada Madaxtooyada la qabto oo saddexda Xisbi ka qayb-galaan, Kulmiye ayaa ka faa’idaya, waayo? 15-ka Urur-siyaasadeed iyo taageerayaasha Kulmiye waxay u ololaynayaan oo ay codkooda siinayaan Musharraxa Kulmiye, waayo? Waxa la yidhi ‘Ninka diida Sinaantiina, adna diid sarrayntiisa..” markaa haddii ururrada riixayso, ogow oo iyaguna way ku riixayaane..”

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) waxa kale oo uu sheegay in xeerka wax ka beddelka lagu sameeyay aanu Somaliland dhaqaynin “Xeer la soo Tahriibiyey Somaliland ma dhaqayo..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey inaan dalku ku sii jiri karin khilaaf salka ku haya ku dhaqanka sharciga iyo in mar walba Golaha Guurtidu soo saaraan go’aan dano keentay ah, sidaa darteed loo baahan yahay in mar walba la taageero dedaallada lagu doonayo in ku dhaqanka sharcigu taabbo-gasho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com