Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

BAS KU QALIBMAY GUDAHA MAGAALADA HARGAYSA IYO TIRADA DADKA KU DHAAWACMAY.

9 Qof Ayaa ku Dhaawacmay Bas Qallibmay degmada 31 May ee magaalada Hargeysa.

Ciidanka Dabdemiska ayaa goor dhawayd ka hawlgalay samatabixinta iyo badbaadada sagaal qof oo ku dhaawacmay Bas rakaab siday oo ku qallibmay xaafada Faluuja ee degmada 31 May.

Ciidanka ayaa dhaawacii gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa , halkaas oo lagu dabiibayo.

Ma jirin dhimasho ka dhashay shilkaa. Dadka dhaawacmay waxaa ku jiray saddex caruur ah.

Ciidanka Booliska iyo hawlwadeenada Caafimaadka cisbitaalka weyn ee Hargeysa ayaa hawlgalkaa ka qayb qaatay.

Ugu dambayn ciidanka Dabdemisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada gaar ahaan darawalada inay taxadar, masuuliyad iyo feejignaan muujiyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com