Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“Saddexda Xisbi Ee Hada Jira Midbaa Saaxada Ka Baxay Dhawaan” Samaale

Siyaasi C/casiis Maxamed Samaale, oo ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in saddexda xisbi qaran ee hadda jira ee UCID, Waddani, iyo Kulmiye uu midkood dhawaan saaxadda siyaasadda ka bixi doono.

Cid iska leh awoodda ay xisbi saaxadda siyaasadda kaga saarto, mid kaloo cusub na ku keento ayuu C/casiis Samaale, ku tilmaamay in ay yihiin shacbiga oo cod ku kala doorta.

C/casiis Samaale, waxa uu ka warbixiyay safarkii ay dhawaan goboladda Bariga dalka ku soo mareen, iyo waxyaabihii ay kala soo arkeen. Waxaanu sheegay in dhamaanba bulshadda goboladii ay soo mareen ay taageero xoogan u muujiyeen xisbiga Kulmiye.

Waxaanu yidhi “Waxaanu ahayn wefti soo maray goboladda Barriga. Goboladii aan soo marnay oo kala ahaa Saaxil, Sanaag, Togdheer, Sanaag, iyo Saraar, dhamaantoodba si weyn baa na loogu soo dhaweeyay. Waxaanan soo aragnay taageeradayadda, iyo ummada Somaliland siday ugu heelan tahay, ee ay u jeceshahay aanad malayn karayn.

Gobolka Sool, si gaar ah ayaan u xusayaa. Dadkii aanu kula kulanay gobolka Sool, waxay sugi kari laayi’iin, qabashadda diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si ay kaadhadhka codbixinta u qaataan. Gobolka Sool, iyo magaaladda Laascaanood dadku waxay noqon doonaan, gobolka kaadhadhka ugu badan laga qaato. Dhamaanba goboladii kale ee aanu soo marnay, taasaa ka muuqatay”.

Isagoo hadalka siiwata waxa uu yidhi yidhi “Kulmiye iyo Gabiley, way is yaqaanaan. Taariikhda ay baxday Gabiley waa Kulmiye, Kulmiye-na waa Gabiley. Sanadkii 2002-dii ayay weedhaasi baxsay, waa wakhtigii xisbiga la aasaasay.

Kulmiye, waa kaa imika muddo 12 sanadood ah talada wadanka haya. Sanado kale oo badan-na wuu sii hayn doonaa. Waxaanu Kulmiye yahay, oo uu noqon doonaa sida xisbiga ANC ee dalka South Africa, ee talada wadanka intuu qabtay aan weligii ka degin.  Kulmiye, waa xisbi aanay cidi gaar u lahayn, waana xisbi ay ummada Somaliland oo dhami wada leedahay”.

Dhinaca kale C/casiis Samaale, waxa uu sheegay in marka ururadda siyaasadda la soo kala saaro in kuwa ka soo guulaysta ama soo baxaa ay la tartami doonaan saddexda xisbi qaran ee hadda jira.

“In ururadda siyaasadda maanta la furo, oo waxa saaxadda siyaasadda taagan ah, waxaa furayaa waa xeerarkeenna. Kulmiye waa kii ku dhiiraday markii uu sanadkii 2010-kii tallada wadanka qabtay ayaa sanadkii 2012-kii ururadda siyaasadda la furay.

Saddexda xisbi ee maanta jira Kulmiye, UCID, iyo Waddani, markaas ayay xisbiyo qaran noqdeen. Xiligaa Kulmiye wuu ahaa xisbi, UCID-na wuu ahaa, oo UDUB baa meesha ka baxay, Waddani baanu galay, oo xisbi noqday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com