Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Goorma Ayey Guddida Diwaangelintu Ku Dhawaaqayaan Ururada Ka Soo Gudbay Qiimaynta?

Guddida diiwaan gelinta Ururrada Siyaasadda iyo ansixinta Asxaabta qaranka ayaa si rasmi ah maanta u soo geba gebeeyey wejigii u dambeeyey ee kala saarista Ururrada Siyaasadda ee 14-ka ah, taas oo ahayd madax taabashada 1000 qof iyo kormeerka Xafiisyada Ururradu ku leeyihiin lixda Gobol ee dalka.

Guddoomiyaha Guddida Diiwaan gelinta Ururrada Siyaasadda Siciid Maxamed Cilmi (Siraadle) oo ka hadlay geba gebada hawlihii madax taabashada iyo Kormeerka Xafiisyada ee ay ku jireen labadii toddobaad ee u dambeeyey ayaa waxa sheegay in ay si guul ah ugu soo dhamaatay.

Guddoomiye Siraadle waxa uu sheegay in ay sida ugu dhakhsaha badan u soo saari doonaan Ururrada u gudbay in ay u tartamaan in ay noqdaan Xisbiyo qaran “Guddidu waxay idin ballan-qaadaysaa in sida ugu dhakhsaha badan loo soo saaro liiska kama dambaysta ah ee Ururrada Siyaasadda eek a qayb geli doona doorashada loogu gudbayo Xisbiyada qaranka’ Ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida Diiwaan gelinta Ururrada Siyaasadda Siciid Maxamed Cilmi (Siraadle)

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com