Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Agaasimaha Ciyaaraha Oo ishortaagay Riwaayad lagu Dhigayay xalay Garoonka Timacadde oo lagu xusayey sanadka cusub

Agaasimaha Ciyaaraha Oo ishortaagay Riwaayad lagu Dhigayay xalay Garoonka Timacadde oo lagu xusayey sanadka cusub

January 2nd, 2011

Hargeysa (maaantasomaliland)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda dhalinyarada, ciyaaraha iyo dhaqanka Somaliland Md. Mustafe Maxamuud Qodax ayaa shalay joojiyay Riwaayad qaar ka mid ah fanaaniinta Somaliland ay ku qabsanayeen Garoonka kubadda Kollayga ee Timo cadde ee Magaalada Hargeysa oo loogu tallo galay munaasibadda sanadka cusub ee 2011-ka. Agaasimaha guud wuxuu buriyay qoraal uu Agaasimaha waaxda Ciyaaraha Sacad Maxamed Shire ugu ogolaaday fanaaniintaasi inay riwaayadaasi ku qabsadaan garoonka kubadda cagta ee timo cadde ee magaaladda Hargeysa. Agaasimaha guud wuxuu ku mineeyay tallaabadan uu isku hor istaagay qoraalka agaasimaha waaxda ciyaaraha in Garoonkaasi oo u baahan dayactir uu jajabi karo haddii ay iskugu yimaadaan boqolaal qof. Agaasimuhu waxa la sheegay inuu ka mamnuucay in riwaayadaha lagu dhigo garoonkaas tan iyo inta laga dayactirayo dhismaha garoonka. Waxaanu akhristeyaashadayada halkan ugu soo gudbinaynaa qoraal kooban oo uu Agaasimaha waaxda ciyaaruhu u qoray fanaaniintaasi oo uu u qoray Guddoomiyaha Xidhiidhka kubaddaha gacmaha iyo Waardiyaha garoonkaasi waxaanay u dhignayd sidan:- “Waxaan idinla socodsiinayaa inaanu u ogolaanay fanaaniinta dhalinyarada ah ee qaranka inay garoonka kubadda kollayga ee Timacadde dhigtaan riwaayadda sanadka cusub. Sidaasi darteed, wixii aad la qaban kartaanna la qabta.” Sidoo kale, ciyaartoyga kooxaha heerka koowaad ee kubadda Kollayga ayaa iyaguna u diiday in ay fanaaniintasi ku dhigtaan ruwaayadaas iyagoo ku andacoonaya in meeesha dhaqan xumo ka iman karto ..
hussein harbi
maantasomaliland
hargeisa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com