Sida wargeyska Politico daabacay, Wasaaradda madaxtooyada Somaliland ayaa la saxeexatay shirkadda Glover Park Group,
Xukuumada Somaliland ayaa la xaqiijiyey inay heshiis u-ololeyn qadiyadda madaxbanaanida ah la saxeexatay shirkad ka dhisan Maraykanka, sida warqadaha heshiiskaa oo lagu xareeyey wasaarada Cadaalada Maraykanku tilmaamayaan.
Xukuumada Somaliland ayaa sida uu heshiiskaasi dhigayo shirkaddan siin doonta dhaqaale gaadhaya 22, 500 dollar bishii (laba iyo labaatan kun iyo shan boqol oo Dollar bishii).
Wasiirka madaxtooyada oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino faahfaahinta heshiiskan ayaanay noo suurtogelin. Sidoo kalena shirkadda Glover Park Group, oo aanu iyadana la xidhiidhnay ayaanaan ka helin wax jawaab ah.
Glover Park Group ayaa ka mid ah shirkadaha la-taliyenimada ugu firfircoon Maraykanka, kana hawlgalaan 150 hawlwadeeno, xarunteeduna tahay Washington.
Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, ayaa hore qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland ugu qabtay qareeno caalami ah oo u dhashay wadanka Ingiriiska, laakiin wax war ah lagama hayo halka ay ku dambeeyeen.
Shirkaddan ayaa la eegi doonaa sida ay u waajahdo hawshan iyo sida ay u fuliso heshiiskaas. Dadka qaar ayaa ku doodaya in lacagta ay Somaliland shirkadan kula heshiisay uu aad u hooseeyo, marka loo eego fagaarayaasha caalamka inaad ku hesho kooxo ololeeya iyo shirkadahan oo kale oo ku shaqeeya adduun gaadhaya ilaa $90 kun oo dollar bishii. Laakiin muddooyinka soo socda ayaa la arki doonaa faa?iidada Somaliland uga soo korodha heshiiskan.
Xigasho/Geeska Afrika.
[quote align=”center” color=”#999999″]
Somaliland signs with Glover Park Group.
SOMALILAND SIGNS WITH GLOVER PARK GROUP: The Ministry of Presidential Affairs of the Republic of Somaliland has signed a lobbying and communications contract with Glover Park Group, according to a new filing with the Department of Justice. Somaliland is a self-declared, unrecognized state — officially, it is an autonomous region of Somalia. The region’s quasi-independent status dates from the beginning of the Somali Civil War, when former president Siad Barre began massacring citizens of the region. Somaliland declared independence in 1991 amid the collapse of the Somali government, but it has not been recognized by any foreign states or international organizations.
Glover Park Group will work on government relations and public relations services on behalf of Somaliland — presumably on a campaign designed to gain international recognition of the region’s self-asserted sovereign status. Somaliland is paying Glover Park Group $22,500 per month — a relative bargain in the international sovereign space where retaining a top-tier lobbying and PR firm can run as high as $90,000 per month.
http://www.politico.com/politicoinfluence/0313/politicoinfluence10302.html
Xigasho:- Politico.
[/quote]