Warsaxaafadeed: Xisbiga UCID oo Xilal cusub u magacaabay
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
REPUBLIC OF SOMALILAND
Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka UCID
Justice and Welfare Party
Ref/UCID/891/2013 Date: 27/03/2013
Ujeedo: Xil-Magacaabis
Codsi ka yimi Taageerayaasha Xisbiga UCID ee Dalalka Australiya iyo Kenya oo soo jeediyay in labadan Xubnood ee hoos ku qoran in loo Magacaabo mid kasta in uu Gudoomiye u noqdo Taageerayaasha Xisbiga ee Dalka uu Matalo, si ay markaasi ka dib ay iyana u soo dhisaan dhismaha xisbiga Ucid ee Dalalkaasi loo magacaabay.
Isla markaana wada tashi balaadhan oo ay ka yeesheen soo jeedintaasi Guddoomiyaha Xisbiga, Musharaxa Madaxweynaha iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid, waxa ay isku raaceen in loo magacaabo labadan mas’uul xilalkan soo socda:
- Mustafe Ahmed Ali Sheikh Osman Nur waxa uu noqonayaa Gudddoomiyaha Xisbiga Ucid ee dalka Australia.
- Ahmed Bashiir Mohamed Abdirahman waxa uu noqonayaa Guddoomiyaha Xisbiga Ucid ee dalka Kenya.
ALLA MAHAD LEH
Gudoomiyaha Xisbiga UCID
Eng, Faysal Cali Waraabe