Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Arimaha Debada Oo Ku dhawaaqay In Wada Hadaladii U Dhaxeeyey Somaliland Iyo Somaliya Loo Wareejiyey Wadanka Turkiga

faamaas_i_10Wasiirka Wasaarada arimaha dibada Somaliland, ayaa goor dhawayd ku dhawaaqay in Somaliland iyo Somaliya ay laba toddobaad ka dib wada-hadalo uga furmayaan dalka Turki

Wasiirka arimaha dibada Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo shir-jaraa’id ku qabtay Aqalka Madaxtooyada Somaliland, ayaa shaaciyey in dawladda Turkigu ku casuuntay in labada dawladood ee Somaliland iyo Somaliya ay dalkeeda ku wada-hadlaan, taasina ay labada dhinacba aqbaleen.

Wasiirka oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi  “Dawladda Turkiga oo saaxiib la’ ah Somaliland iyo Somaliya waxay labada dawladood ku marti qaaday inay dib u bilaabaan wada-hadaladii hore u bilaabmay, labada geesoodna arinkaasi way soo dhaweeyeen, markaa waxaanu qaadanay in muddo aan ka badnayn 2 toddobaad gudahood ka dib ay labada waddan ku wada hadlaan dalka Turkiga, markaa waxaan doonayaa inaan shacabka iyo beesha caalamkaba ku wargalino in martiqaadkaasi dawladda Turkiga aanu aqbalnay, si aanu qadiyada Somaliland uga midho dhalino”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com