Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“Wali Dalna Nama uu Aqoonsan Hase Yeeshee Waanu La Macaamilnaa Adduunka,

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay inaanu jirin wali dal adduunka ka tirsan oo aqoonsaday Somaliland, hase yeeshee ay caalamku ula macaamilaan sidii dal Madax banaan.
Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu sheegay in Somaliland iskaashi balaadhan caalamka kala leedahay la dagaalanka budhcad badeeda iyo Argagixisadda, kaas oo xusay inay xukuumadiisu xabsiyada ku hayso kooxo badan oo ka tirsan Kooxaha Xagjirka iyo Budhcad-badeedaba.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi uu siiyay laanta Af Ingiriisiga ee Idaacadda BBC-da intii uu ku sugnaa Magaalada London ee dalka Britain. Ugu horayna Madaxwaynuhu isaga oo arimahaas ka hadlaya, Wada-hadaladii ay Magaaladda Ankara kula yeesheen Somalia, waxa uu yidhi

“Waxaanu u wada hadalnay Hoggaamiyaha Soomaaliya annagoo kala ah laba dal oo kala madax-banaan. Waxaanan ku heshiinay inaanu sii wadno wada hadalada, Waxa kale oo aanu ku heshiinay inaanu iska kaashano, kana wada shaqayno arrimo faro badan”.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo la weydiiyay rabitaanka dawladda Somalia oo iyadu danaynaysa Midaw danbe oo dhexmara Somaliland iyo Somalia, sida loo waafajinayo Gooni-isku taaga Somaliland shacbigeedu danaynayaan, waxa uu yidhi

“Taasi waa waxa ay doonayaan, sidoo kale Somaliland-na waxay doonaysaa oo ay tahay dal ka madax banaan Somalia, waxaanay xoriyadeeda heshay iyadoo dal madax banaan ah. Waxaanay muddo dheer u soo halgamaysay una soo dagaalantay inay mar labaad xoriyadeedii hesho”.
Madaxweyne Siilaanyo mar la weydiiyay siday Madax-banaanida Somaliland suurto gal u tahay iyadoo aanu dalna wali aqoonsan qaranimadda Somaliland, waxaanu yidhi “Dalna wali nama uu aqoonsan hase yeeshee waanu la macaamilnaa adduunka, waanan sugaynaa oo waanu haysanaynaa Madax-banaanidayda illaa inta aanu aqoonsi ka helayno beesha caalamka”.

Axmed Siilaanyo mar wax laga waydiiyey waxa ka jira wararka sheegaya in Kooxda Alshabaab ay ku sugan yihiin xuduuda u dhaxaysa Somalia iyo Somaliland iyo sida uu u arko, waxa uu yidhi

“Somaliland way la dagaalantaa Argagixisadda iyo budhcad badeedaba, Waxaana xabsiyadayada ku jira kooxo badan oo la xidhiidha Argagixisadda iyo budhcad badeedaba, Waxaanu beesha caalamka kala leenahay la dagaalanka Argagixisadda iyo budhcad badeedaba iskaashi buuxa”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com