Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gud. Qurbajooga SL ee EU. A Ubaxle oo Qurbajooga u sheegay in aan cidina hor istaagi karin xuska maalinta qadiyadooda 18 May

Anigoo tixraacaya cabashooyin tiro badan oo ka imanaya Jaaliyadaha Qurbajooga iyo barnaamijkii ugu danbeeyey ee rayiga dadweynaha reer UK, waxaa iiga soo baxay sida ay jaaliyadaha qurbajoogu uga xunyihiin in maalinta qaranimada Somaliland oo calaamada u ah muujinta qadiyada halganka dheer loo soo maray ee 18May in cid gaara ahi taladeeda yeelato ama loo maamulo hab ka duwan siyaabihii farxada lahaa ee loo xusi jiray mudadii 21sano ahayd ee la soo dhaafay.

Hadaba anagoo arintaa cabashadeeda la qabna qurbajooga waxaan masuul ahaan halkan ka cadaynayaa inaanay jirin cid idinka hor istaagi karta xuskii qaranimadeena ee aynu sida farxada leh ee wada jirka ah u xusi jirnay,

wakiilka xukuumada u jooga UK ee Ali Adena waxaanu leenaha fadlan shaqadaada ku ekaw hana mooral jebin bulshada isku duuban ee qadiyadana weligeed heeganka u ahayd, mana aqbalayaan in arimaha qaranimada loo afduubo xubno yar.

Waxaan mar labaad iyo sadexaadba dhiiri gelinayaa in wadajirkeena iyo xuska maalmaha qaranimadeena aynaan cidna u daba fadhiisanayn ee aynu geed kasta iyo goob kasta u taagnaanayno, Xukuumada Somaliland iyo masuuliyiinteeda qurbaha nagu soo booqdana waxaanu ka codsanaynaa inayna wax fara gelin iyo kala shirin ah la dhex gelin isku duubnida bulshada reer Somaliland ee ay ku ekaadaan marti nimadooda mudada ay qurbaha nala joogaan noona ilaaliyaan isku duubnida bulshada reer Somaliland , sidoo kalena masuulka ay soo magcaabayaan ee Somaliland wakiilka uga noqonaya wadamada dibedaha ay soo siiyaan Job Description si aanu ugu dhex milmin shaqo aan xilkiisa khusayn.

Waxaan kaloo halkan ku ogaysiinayaa jaaliyadaha reer UK in dhamaan gobolada dalka ay sanadkan ka dhacayso munaasibada xuska 18may oo si weyn loogu diyaar garoobay sidaa darteed aanay ku niyad jabin hadalada ka soo yeedhay wakiilka Ali Aden ee uu yidhi reer London ayay ku egtahay, waxaa farxad ah in weliba sanadkan magaaloyinka qaarkood ay ka duwan tahay sidii hore oo farxada dabaaldega lagu qabanayo beer weyn oo ay isugu iman doonaan kumaan Somalilander ah oo calankii dalkooda madaxa ku duuban, sida Birmingham oo kale.

Waxaan sidoo kale war bixinohooda idiin hayaa in wadamada Yurub ay dhamaantood ka dhicidoonto xuska maalintan 18may, Holad iyo Biljam waxay ku shurakobeen hal xaflad oo weyn, Germany waxay xooga saareen hal xaflad oo weyn, denmark waxay ka dhacaysaa laba magaalo oo kala ah Copenhegan & Odense. Sweden waxay ka dhacaysaa Stockholm, Norwey Oslo, france Paris, waxaan rajaynaynaa in aynu farxad iyo damaashaad ku ciidi doono insha alaah.

Wa bilaahi Towfiiq
Gudomiyaha Qurbajoga Somaliland EU
Abdirahman Ali Ubaxle

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com