Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Didier Drogba Oo Garaacay Arsenal Xilli Uu Ka Caawiyay Galatasaray Inay Ku Guuleysato Emirates Cup.

Kooxda Galatasaray ayaa sannadkan ku guuleysatay koobka saaxiibtinimo ee Emirates Cup ka dib markii kulankii ugu danbeeyay ay 2-1 kaga badiyeen Arsenal, ciyaar ka dhacday Emiartes Stadium iyadoo labada goolba uu u dhaliyay Didier Drogba.

Arsenal ayaa hogaanka ciyaarta u qabatay daqiiqadii 38aad ka dib karoos uu keenay Theo Walcott iyadoo madaxa uu la waayay Melo taasoo keentay inay shabaqa salaanto kubada.

Waxaa qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida loo ahaa ee Arsenal.

Daqiiqadii 77aad ayaa Galatasaray ay heshay goolka barbaraha ka dib markii Migeul uu qalad diilinta ganaaxa kula galay Drogba, garsooraha ayaana dhigay rigoore inkastoo ay aheyd rigoore muran weyn uu ku jiray, waxaa u soo joogsaday isla Drogba oo dabamariyay goolhaye Szczesny.

Seddex daqiiqo markii ay ka dhiman tahay ciyaarta ayaa Didier Drogba uu goolka guusha u dhaliyay kooxda Galatasaray. Waxa uu kubad ka helay Sneijder ka hor inta uusan shabaqa meel sare ka gelinin kubada.

Labada gool ee uu Drogba u dhaliyay Galatasaray ayaana ugu filneyd inay Emirates Stadium ku garaacaan kooxda Arsenal.

Madaama sharciga koobka Emirates Cup uu yahay in gool kasta ay la mid tahay dhibic islamarkaan guushii ay tahay seddex dhibic waxa ay Galatasaray koobka Emirates Cup ku qaaday sannadkan 9 dhibcood ka dib labo guul ay gaareen iyo seddex gool oo ay dhaliyeen.

FC Porto ayaa kaalinta labaad ku dhameysatay iyagoo leh lix dhibcood ka dib guul ay gaareen iyo seddex gool, halka Arsenal ay kaalinta 3aad soo gashay iyadoo 4 dhibcood leh, hal barbaro iyo seddex gool oo ay dhaliyeen, si la mid ah Napoli oo iyadana 4 dhibcood ku dhameysatay.

Ciyaartoydii Ciyaartay:

Arsenal: Szczesny, Jenkinson, Sagna, Mertesacker, Gibbs (Miquel 69), Arteta, Ramsey (Akpom 80′), Oxlade-Chamberlain, Cazorla (Zelalem 61), Walcott (Podolski 80′), Sanogo (Giroud 61)

Gool: Walcott 38

Galatasaray: Muslera; Semih, Riera, Chedjou, Eboue, Melo (Sarioglu 66), Engin Baytar (Gulselam 32), Altintop (Colak, 45), Amrabat, Elmander (Drogba 45) Umut Bulut (Sneijder 45)

Gool: Drogba rigoore 79, 88

Garsoore Jon Moss

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com