Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

The Sun: Roy Hodgson Oo Uga Digay Xiddigaha England Ee Chelsea In Rooney Kala Sheekeystaan Mustaqbalkiisa

Xiddigaha kooxda Chelsea ayaa laga mamnuucay inay Wayne Rooney kala sheekeystaan mustaqbalkiisa iyo inuu u dhaqaaqayo Blues inta ay wada joogaan xulka England.

Tababaraha xulka Three Lions Roy Hodgson ayaa u sheegi doona ciyaartoyda Chelsea ee Ashley Cole, Frank Lampard iyo Gary Cahill inaysan ku dhiirogelinin weeraryahanka Manchester United Wayne Rooney inuu dhankooda u soo bedesho marka ay kulmaan isbuuca soo socda.

Sida ay qortay The Sun, Hodgson ayaa yiri: “Waa ay adkaan doontaa in la weydiisto Wayne inuusan la hadlin ciyaartoyda Chelsea, waxoogaana waa caruurnimo in sidaasi la yeelo.

“Laakiin waxaa i saaran waajibaad waana inaan qof walba u cadeeyo in halka la joogo ay tahay xulka England.”

Madaxda FA-ga ayaa arin xasaasi ah ay ku tahay arimahaan oo kale iyadoo hada ka hor lagu eedeeyay in Steven Gerrard iyo Ashley Cole ay ciyaartoyda Chelsea qalqaalo u galeen intii ay wada joogeen England, iyadoo markii danbe uu Cole ku soo biiray.

Waxaana ay haatan doonayaa FA-ga inaysan wax lug ah ku yeelan arimaha Wayne Rooney ee Man United kuwaasoo labo dalab ka soo diiday Chelsea.

Hodgson ayaa yiri: “Wax kaliya ee kulankaan uu yahay waa England v Scotland, waxaana taas ka sii muhimsan kulamada isreebreebka Koobka Adduunka ee ka danbeeya.

“David Moyes iyo Jose Mourinho labadoodaba taageero buuxda ayaan ka heystaa.”

Rooney oo kaliya ciyaaray kulan saaxiibtinimo oo albaabada u xiran yihiin xagaagan ayaa weydiistay kooxda shalayto inuu tababar la qaato juunyeerka United si uu taam ugu noqdo kulanka Scotland.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com