Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Arsenal ayaa guul la yaqaano ka gaartay Manchester City oo ku dubteen 3-1 ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday Freindly Olimpic Stadium ee magaalada Helsinki ee dalka Finland

Arsenal ayaa guul la yaqaano ka gaartay Manchester City oo ku dubteen 3-1 ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday Freindly Olimpic Stadium ee magaalada Helsinki ee dalka Finland.

Ciyaaryahan Theo Walcott ayaa hogaanka u dhiibay Arsenal daqiiqadii 9aad ee ciyaarta ka dib markii kubad dhex bixis fiican oo fantastik ah ka helay Aaron Ramsey, iyadoo Walcott uu kubada si aayar ah uga dulqaaday goolhaye Joe Hart.

Goolkaas uu dhaliyay Walcott ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta, qeybtii labaad ayaana Arsenal ay hogaanka sii dheereysatay, markaana Aaron Ramsey ayaa kubad si fudud shabaqa u dhex dhigay iyadoo Walcott uu caawi ka ahaa.

Daqiiqado ka dib waxaa ciyaarta 3-0 ka dhigay Olivier Giroud markii kubad kore oo cajiib ah uu soo qaaday Walcott, waxaa lugta la waayay Kompany ka hor inta uusan Giroud kubada qaadanin oo uu si xarako ah kubada uga dulqaadin Joe Hart.

Markii ciyaarta ay ka harsaneyd 10 daqiiqo ayaa waxaa Manchester City halkoo gool u soo celiyay ciyaaryahan Negredo, waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-1 oo ay Arsenal ku dubatay kooxda ay Premier League kawada ciyaaraan ee Manchester City.

Tababare Arsene Wenger ayaana ku faraxsan in kooxdiisa ay si sarre ku soo gabagabeyso kulamada saaxiibtinimo ee xagaaga, halka tababare Pellegrini ay shaqo badan u taala ka dib guuldarro uu ku soo xiray kulamada saaxiibtinimo ee xagaaga.

Labada kooxood ayaa haatan isku diyaarin doona xilli ciyaareedka cusub ee Premier League. Arsenal waxa ay sabtida soo socota la ciyaari doontaa Aston Villa, halka isniinta 19ka August ay Man City wajihi doonto Newcastle.

Ciyaartoyda U Ciyaartay Labada Kooxood:

Arsenal: Szczesny (Fabianski 46), Sagna (Jenkinson 73), Mertesacker, Koscielny, Gibbs,Arteta (Perez 68), Ramsey (Hayden 88), Wilshere (Cazorla 46), Podolski (Giroud 46), Oxlade-Chamberlain (Zelalem 74), Walcott

Goolasha: Walcott 9, Ramsey 59, Giroud 62

Manchester City: Hart, Zabaleta (Richards 46), Kompany, Lescott (Boyata 86), Clichy, Milner (Navas 46), Fernandinho (Rodwell 80), Toure (Garcia 68) Silva, Negredo (Jovetic 68), Dzeko (Nasri 46)

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com