Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Togdheer Maxamed Jaamac Cashuur oo dhacdadan ka hadlay ayaa Ciidamada Milatariga ku eedeeyey inaanu Garsoorku ka shaqayn karayn,
(maantasomaliland):-Waxa saaka hakad galay hawlihii Maxkamadda oo muran labada dhinac u dhaxeeyaa Hadheeyay
Burco(maantasomaliland) Askar ka tirsan Ciidanka Qaranka Burco iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer (Burco) ayaa isku af-dhaafay dacwad Fulin ahayd oo oo Qof shicib ahi dhibane ka ahaa taasoo la xidhiidhay muran Dhul, waxaanay taasi sababtay in khilaafkoodu gaadho heer gacan ka hadal ah, iyadoo hawlihii Maxkamadu Istaageen.
Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Togdheer Maxamed Jaamac Cashuur oo dhacdadan ka hadlay ayaa Ciidamada Milatariga ku eedeeyey inaanu Garsoorku ka shaqayn karayn, waxaanu sheegay in kiisas Fara badan oo Fulin u bislaaday ay Hor taagan yihiin, isagoo sheegay in kiiskan saaka Hubka loogula baxay uu Mudo badan soo socday dhawr jeerna uu ka Codsaday Taliyayaasha ciidamada in ay askartan sharciga Hor-keenaan
Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Togdheer oo dhacdadan saaka ka hadlaya ayaa yidhi ”sidaad ogtihiin, anagu waxaanu nahay Garsoor u gar-naqa dadwaynaha dhexdiisa iyo dadwaynaha iyo dawladaba, Garsoorku wuxuu u madaxbanaanyahay awoodiisa garsoor sida sharcigu qorayo ama dastuurku inoo sheegayo, saaka waxa jiray kiis uu dhibane ka yahay ninka la yidhaahdo Maxamed Cali Haaruun, kiiskaas oo ay isku dacwaynayeen, afar askari iyo dad kale oo shicib ah oo hore uga iibiyay isaga, waxaanu kiiskani soo galay Maxkamada 2003 dii oo aanaan anigu Maxkamadan Gudoomiye ka ahayn. dhawr jeerbaa la celceliyay Xukunkii 2003 dii loogu dhawaaqay, Xukunka Maxkamada sarena waxa uu soo baxay 16.3.009 waxaana soo saaray sadex Garsoore oo maxkamada sare ah, aniguna 2011 ayaan ugu imi galkan oo fulin soo dhamaystay, waana laga cashuuray oo tii fulinta ahayd ee ugu danbaysay waxa uu ka bixiyay 10,8650 shillin, kiiska intaas soconayay ee maxkamadu Xukuntay waxa hortaagnaa askarta ciidanka Milatariga ee degan gaaska Gobolka, waxaanu u yeedhnay taliyayaashooda waxaanu isla af-garanay inay iyagoo xidhan maxkamada keenayaan, saaka waxa uu noo yimi isagoo ay laba sarkaal la socdaan uuna xidhan yahay darajadiisii, wuxuuna hoosta ku sitaa baastoolad, waxaanuna u sheegnay siday arintani garsoorka hallis ugu tahay, taliyihii la socday ayaa xafiiska igu aflagaadeeyay, askarigiina waxa uu la baxay baastoolad oo askarigii gaadhka maxkamada ayuu ku qabtay Booliskii iyo dhibanihiiba ku dhufo ayuu is yidhi.:
Gudoomiyuhu isagoo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi ”Tan oo kaliyana maaha ee ilaa Toban kiis oo fulin ah oo maxkamadaha kasoo dhamaaday oo qaar 2000-dii kun yihiin oo aanu sixi la’nahay, marka ay maxkamadu u yeedho ayuu wuxuu soo gashanayaa dirayskiisa iyo isagoo hubaysan oo baastoolad sita, markaad tidhaahdo waa lagugu fulinayaana waxa uu odhanayaa hooyadaa ku fuli, waxaanu u yeedhnaa taliyayaashiisa, waxaanay caadaysteen inay dadka shicibka ah u awood sheegtaan anana aanaan waxba ka qabankarayn. sidaas daraadeed waxaanu qaban karnaa ma jirto, Amaanka Maxkamadu ma sugna kiisaskii noo mudaysnaana way baxsadeen, waxaanu codsanaynaa oo ka codsanaynaa Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Jananka Ciidamada Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland in arintaas saaka meesha ka dhacday oo ay markkhaatiyo ka ahaayeen in ka badan 50 qof wax laga qabto oo haybadii Garsoorka dib loo soo celiyo, waxa kale oo iyana jira tan oo kale oo fulin ah oo xataa dhulkii la dhisanayo” ayuu Gudoomiyuu hadalkiisii kaga baxay.
dhibanaha kiiskan Maxamed Cali Haaruun oo isna ka hadlay kiiskan mudada soconayay ayaa yidhi”kiiskani waxa uu ahaa oo dhul layga iibiyay xiligii ina Cigaal, wuu igaga dhintay, waxaa qabsaday Rayaale, wuu igaga tagay oo hada waxaa jooga madaxwaynahan hada, intaasna waxaan ilaalinayay sharciga waxaan hor taagnaa Garsoorka, waxaan u taagnaa cadaalad markasta oo nimankaas loo yeedhaba waxaa wada saraakiishooda oo odhanaya anaa keenaya markii ugu danbaysay hada waxa ay ahayd in uu isagoo maxbuusa keeno waxa la keenay isagoo dirayskisii wata. waxaanu la gaaf waareegayay baastoolad oo uu is lahaa ku dhufo aniga iyo garsooraha, Nimankaa aanu dhulka isku haysanaana waa afar askari.
Waxaa kale oo jirta inaan Maxkamada Milatarigu igu tidhi kiiskani nama Khuseeyo mar hadii kiisku kiis madani ah oo shacab iyo askari ka dhexeeyo saraakiishooda haloo diro hasoo qab qabteene.” Ayuu ku dooday
dhanka kale Taliyaha Aaga Bari Maxamed Abokor(Joon) oo ka hadlay dacwadan ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha maxkamada Gobolka in uu isagu ka danbeeyo dhibaatadan waxaanu yidhi” Gudoomiyahaa ka danbeeyay waxan anagu ku idhi askarigii waanu xidhnay, waxaanan filayaa inuu Gudoomiyuhu isaga badheedhay inuu ciidanka qaranka dhaleeceeyo waana gef cad oo uu kula kacay ciidanka qaranka, waxan askarta ugu diray in lasoo hubasado kiiska, dabadeedna askarigii oo labisan ayuu askarigii ku maray. waxaan u arkaa in uu u badheedhay isagoo dano gaar ah ka leh Gudoomiyuhu.” Ayuu yidhi Taliyuhu
XIGASHO WAHEEN