Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasaaradda Maaliyadda Oo Odoroska Miisaaniyad Sanadeedka 2014-Ka Ku Gaadhsiisay Baba Boqol oo Milyan

samaale-22(maantasomaliland):-Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo maalmahanba ku hawlanayd diyaarinta Miisaaniyad sanadeedka 2014-ka isla markaana war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaraddaha iyo Hay’adaha Dawladda kaga dalbatay in ay bisha August horaanteeda soo xareeyaan Dakhligooda iyo kharashaadkooda ayaa la sheegayaa kulamadii ay lahaayeen in ay soo dhamaadeen isla markaana dhawaan soo saari doonto Odoroska Miisaaniyad sanadeedka 2014-ka.

Xogaha ka soo baxaya Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegaya in Natiijada ka soo baxday Kulamadaasi ay u soo baxday Wasaaradda Maaliayadda Dakhli gaadhaya Laba boqol oo milyan oo Dollar in ay sanadkan noqon doonto Miisaaniyaddu taasoo u qaybsami doonta Xukuumadda dhexe oo Odoroskeedu noqon doono ku dhawaad boqol iyo konton kun oo Dollar, Kontonka kalena u noqon doono Hay’adaha kale iyo Dawladaha Hoose.

Miisaaniyad sanadeedka Sanadkan 2013-ka ayay Xukuumaddu gaadhsiisay boqol iyo shan iyo labaatan Milyan oo Dollar, hase yeeshee korodhka sanadkan ka muuqda haddii ay dhab tahay waxa ay noqonaysaa mid ka badan tii 2011-kii ama laban laab ku dhaw.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu wadaa horaanta bisha September in aya Golaha Wasiiradda u gudbiso, si Golaha Wasiiraduna ugu gudbiyo ugu danbayn bisha Oktoobar Golaha Wakiiladda Somaliland kaasoo leh Ansixinta ugu danbaysa ee Madaxweynuhu ku dhaqan gelinayo.

Korodhka ka muuqda labadii Miisaaniyadood ee ugu danbeeyay ayaa ku soo hagaagaya Wakhti aanu Hanti-dharka Guud ee Qaranku Golaha Wakiiladda u soo gudbin Xisaab Xidhadii ugu danbeeyay, waxaanay taasi muujianaysaa in ay Golaha ku dhaafi doonto Dur-duro maadaama aanay haynin Xisaab xidh ay ku qiimeeyaan Miisaaniyadaha Xukuumaddu sanad kasta u soo gudbiso.

Si rasmi ah looma oga dhaqaalaha intaas lee gee Xukuumadu kordhisay halka uu ka yimi, laakiin waa mid looga fadhiyo wasaaradda Maaliyaddu in ay soo bandhigto, isla markaana dhaqaalaha intaas leeg waa mid loo baahan yahay in uu ka muuqdo wax ka qabashada baahiyaha Aasaasiga ah ee Dalka ka jira

 xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com