War Deg Deg Ah: Doonni Buuxda Oo Sidda Tahriibayaal Somali Ah Oo Jihadu Ka Hallawday Heehaabaysana Badda U Dhaxaysa Liibiya Iyo Talyaaniga Iyadoo laga Dayriyey Xaaladdooda Haddii Aan Loo Samayn Gurmad Deg Deg Ah
(maantasomaliland):-Wararkii ugu dambeeyey ee daqiiqado ka hor naga soo gaadha Liibiya ayaa sheegaya in Tahriibayaal Somali ah oo habeen hore ka shiraacday dalka Liibiya ay haatan xaaladdoodu adag tahay, kadib markii ay jihadu ka hallawday.
Mar aanu goor dhawayd la xidhiidhnay mid ka mida raggii doonta waday ayaa noo sheegay in xaaladdoodu ay khatar ku jirto, jihaduna ka hallawsan tahay, isla markaana ay haatan la rafaadsan yihiin dhuridda Biyo soo galay Doonnida.
Inkastoo khadka teleefanku ahaa mid googo´ badan samaynayey, hadana mar
aanu ku celinay oo ay noo suurawday inuu naga qabto ayaa waxaanu waydiinay tirada ay ku saaran yihiin doonnida, waxaanu noo sheegay inay dhan yihiin 115 Qof rag iyo dumar-ba leh.
115 Ruux oo dhammaantood Somali ah una badan reer Somaliland iyo reer Somaliya, ayaa ninkaasi doonnida saaran ee aanu la xidhiidhnay uu sidoo kale noo sheegay inay haatan ugu il-daran yihiin hablo doonnida la saaran, isagoo xaaladdooda ku sifeeyey SIIRIYEES.
Mar aanu waydiinay in ilaa hadda wax gurmad ah ay raadkiisa hayaan ayaa si murugo leh noogu tibaaxay in ilaa haatan aanay haynin gurmad, waxaanu naga codsaday in loo qayla-dhaamiyo, Ilaahayna loo soo baryo inuu badbaadiyo.
“Qof kasta oo inuun awood u leh inuu ciduun noola xidhiidhi si lanoo badbaadiyo waxaanu ka codsanaynaa inuu hor Ilaahay noogu gurmado, … marba marka dambaysa waxay xaaladdayadu sii galaysaa mugdi…walaalayaal noo gurmada….walaalayaal noo gurmada…..” Ayaa hadalladiisii ka mid ahaa.
Haddaba waxaanu ugu baaqaynaa qof walba oo awood u leh inuu gurmad samayn karo ama cid gurmad samayn karta la xidhiidhi karo, in hor Ilaahay fadhiga looga kaco oo gurmad xooggan oo hagar la?aan ah loo sameeyo Ubaxeenaasi heehaabaya badweynta. Ciddii doonaysa inay la xidhiidhaan si ay ugu gurmadaan waxay iga soo wici karaan telkayga ama E-mailadayda hoos ku qoran.
xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413