Shirkii Hoodaalle Ee Degmadda Agababar Oo la Shaaciyay Inuu Furmayo Axadda Fooda Innagu soo haysa
(maantasomaliland):-Shirka Beelaha Waqooyiga iyo galbeedka Hargeysa ayaa la iclaamiyay inuu si rasmi ah uga furmi doono degmadda Agabar maalinta Axadda ee fooda inagu soo haysa.
Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka Shirguddoonka shirka Hoodaalle Mowliid Maxamed Muumin, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-
“Shirguddoonka shirka HOODAALE ee beel-waynta Sacad Muuse ee degta Waqooyiga, Galbeedka iyo Oogada Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa waxay ugu bushaaraynayaan dhammaan bulsho weynta Sacad Muuse ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisaba in la dhammaystiray dhammaan hawlihii u diyaargarowga ee shirka Hoodaale ee degmada Agabar.
Sidaa darteed, waxa la ogaysiinayaa dhammaan ergooyinka ka qaybgalaya shirka, in shirku si rasmi ah u furmi doono maalinta Axada ee taariikhdu tahay 22/09/2013, isla markaana ay ergooyinku diyaar ku ahaadaan madasha shirka ee degmada Agabar maalinta Axada ah.”
xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413