Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Mujaahid Ibraahin Dhagaweyne Oo Ka Hadlay Xaaladaha Dalka Ka Taagan,Bixitaanka Shirkada Shiidaalkana Ku Tilmaamay Maamul Xumo Ka Jirta Dalka, Dhismaha Madaarka Shaqayntiisana Su,aalay Shacabka Caasimada.

 

Dhagaweyne(maantasomaliland):-mujaahid Ibraahin Cabdilaahi Xuseen(Dhagaweyne) oo ka mid ah siyaasiyiinta ku midoobay madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland ayaa maanta ka hadlay qodobo la xidhiidha hawlaha haatan dalka ka taagan.

Mujaahid Dhagaweyne oo maanta ka hadlayey shir jaraa,id oo xubnaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranku ku qabteen magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ka waramay qodobo la xidhiidha xaalada haatan ee uu dalku sugan yahay, waxaanu tilmaamay inaanay wali xukuumada ka haynin jawaabaha lixyo tobankii su,aalood ee ay waydiiyeen, isaga oo dhinaca kalana ka hadlay dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa iyo mashaariic kale oo ay xukuumadu sheegtay inay fulisay.

Ugu horayn mujaahid Dhagaweyne oo ka hadlaya lixyo tobankii su,aalood ee ay xukuumada weydiiyeen ayaa sheegay inaanay wali wax jawaab ah ka helin balse ay sugayaan jawaabaha su,aalahaasi waxaanu yidhi ?lixyo tobankii qodob ee aanu soo jeedinay wali waanu sugaynaa jawaabtoodii, waxa weeyaan umadan iyo qaranka waa dhibaato haysata, dhibaatadaasna waxaanu leenahay ha laga jawaabo ilaa maantana wax cad iyo meel layska taagay ma jirto,su,aashilihiina wali halkii ayey yaalaan.?

Mujaahid Ibraahin Cabdilaahi Xuseen Dhagaweyne waxa uu ka hadlay wariyayaal uu sheegay inay xukuumadu xidhay isaga oo tilmaamay in loo baahan yahay in la ixtiraamo madaxbanaanida saxaafada waxaanu yidhi ?Waxa jira weriyayaal xidhan, saxaafadana waxaanu leenahay ha loo ilaaliyo madaxbanaanidooda xorbay  u yihiin sharcigeenuna wuu qorayaa, saxaafada wadankuna waa waxa kaliya ee aynu runta ku garanaynaa, ma lihi khalad  ma laha laakiin way dhici kartaa khaladkoodana sida uu sharcigu yahay ha loo toosiyo,laakiinse in maalin walba layska xidhaa iyada oo aan khaladba lagu hayn waa warba ha sheegin taasi, hadaa ma waxay noqotaa sida idaacadeenan u eeg tii aynu ku sheegi jirnay ku sheegi jirnay ninkii aynu ridnay, waxaanu leenahay saxaafaduna madax banaanideda xaq ayey u leedahay umadana waa inay ka jawaabtaa oo ay tidhaahdaa waa in saxaafada gardarada laga daayaa.?

Mujaahid Dhagaweyne oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay shirkadii shiidaalka baadhaysay ee dalka ka baxday waxaanu tilmaamay inay sabab u tahay maamul xumo uu sheegay inay dalka ka taagan tahay, isaga oo mucaaridkana dhinac uga leexiyey inay sabab u yihiin bixitaanka shirkadaas waxaanu yidhi ?shirkadihii shiidaalka waxa lagu eedaynayaa bixitaankooda mucaaridka, hadyo jeerna wixii la garan waayo iyo wixii ay kharibaan ayey ku eedeeyaan mucaaridka,waar mucaarid ismay arag wixii ay u qoreena ha la soo bandhigo, waxaanay ka tageen maamul xumo ka taagan wadankan, sharcigiina ha la dhamaystiro oo baarlamaanka ha loo geeyo.?

Mujaahid Ibraahin Cabdilaahi Xuseen Dhagaweyne waxa uu ka hadlay hadal ka soo yeedhay wasirka macdanta iyo tamarta oo sheegay inuu baarlamaanka ku tilmaamay mid aan khusayn heshiisyada wasaaradiisa waxaanu yidhi ?wuxu maalin hore wasiirka macdantu  yidhi aniga baarlamaanku ima khuseeyo maalin danbana xaal ayuu ka bixiyey, adigu waxaad ku fadhidaa sharciga baarlamaanka markii lagu hor geeyey ee ay ku ansixiyeen, haday shirkad tahay iyo wax kasta oo  wadankan ka socda haddii aan la horgayn sharciga oo aan baarlamaanka laga ansixin intii uu qorayey in la hor geeyo ma soconayso, distoorkeenuna waxa uu leeyahay heshiis kasta oo caalamiya oo la galo waa in la hor geeyaa baarlamaanka malaa wali maad akhriyin distoorka dalka,sharciga adiga ku keenay meesha ayaa iyagana xaq u siiyey in la hor keeno heshiisyada,baarlamaankana waxa looga baahan yahay wixii dhacay waa in talaabo cad laga qaadaa oo guddi qaran loo saaraa, cidii sharciga ilaalin lahaydna waa idinka.? Ayuu yidhi mujaahid Ibraahin Dhagaweyne.

Mujaahid Dhagaweyne waxa kale oo uu ka hadlay wadooyinka hadyo jeer masuuliyiinta dawlada Dhexe xadhiga ka jaraan isaga oo sheegay inay tahay shaqadii maayarka caasimada iyo dhismaha garoonka diyaaradaha ee caasimada  waxaanu yidhi ?Wadadan yare e magaalooyinka laga dhex sameeyey waa shaqadii maayarka waana lacagtii dadka ee samada kamaad keenin mana noqonaysa faan iyo wax qabad,qof walibana shaqadiisa ayuu ka soo baxayaa, waxyaalaha la furayey ee aanu aragnay waxa ka mid ah garoonka diyaaradaha hadaba ma shaqaynayaa mise ma shaqaynayo taana waxaan waydiinayaa reer Hargeysa, haddii uu shaqayn waayana waxyaalaha meesha ku jira aynu is waydiino.?

Mujaahid Dhagaweyne waxa kale oo uu ka hadlay dhismaha kastamka magaalada Berbera oo sheegay in la dhisay, waxaanu tilmaamay  inaan waxba laga badalin dhismihii kastamkaas oo dawladii ingiriisku ay dhistay wakhti hore waxanu yidhi ?Waxyaabaha aan la yaabay waxa ka mid ah in la sheegay in Barbara laga furay xafiiskii kastamka oo ah kii ingiriisku ka tagay ee la dhisay Afartamaadkii oo inta nuurad la mariyey ayaa la yidhi waa xafiiskii kastamka oo la furayo, cusbitaalka degmada Sheekh waxa la dhisay 1964 mana shaqaynayo ilaa hada oo wax hoos yaala ma jiro, AC-Burco waa markii sadexaad ee la dhagax dhigo wax mashruuc lagu tilmaami karo waa garoonka diyaaradaha iyo dhakhtarka iyo Institute-kaas haddii shaqeeyo waana sidiisii waana qabyo bilaa jiingad ah, waxaanan leeyahay khaladka wadankan yaala ha loo badheedho oo ha la saxo ama waxann inay ku gar helaan waxaanan u baahanahay inay noo garqaadaan,maamul xumada wadankan taalana waa tii shirkadihii ka yaaceen  waa inuu baarlamaanku baadho,maqasna lala carari maayo?

Ugu danbayntiina mujaahid Ibraahin Cabdilaahi Xuseen Dhagaweyne waxa uu xukuumada u soo jeediyey inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka haysta caasimada ee ay ugu horayso biyo yaraantu waxaanu yidhi ?biyaha Hargeysa waa noloshii dadka miyaa wax laga qabto ilaa maantana umadani kala badh ma hesho biyo ku filan, waxaanan leeyahay ha lagu soo dhawaado waxay umaddani tabanayso oo biyahan wax uga qabta oo nadaafadan wax uga qabta waa kuwan xaafadihii uraya haddii uu roob yari ka da,o, waa kuwan gacamadii oo dhan wasakh sida, cashuurtana waxa dadka looga qaadaayaa in wax loogu qabto ee maaha inyar oo maayarku qabto la daba yaaco ama la yidhaa kaalaya shahaado sharaf ayaa laydin siinayaa, waana inoo kaw madaxdii oo shaqaalihi hoose shahaado sharaf siinaya, madaxweynuhuna waa kii qiimayn lahaa shaqaalihiisa.? Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay mujaahid Ibraahin Cabdilaahi Xuseen Dhagaweyne oo ka mid ah siyaasiyiinta ku midoobay madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com