Home » Entries posted by MaantaSomaliland (Page 45)

Qarax Xalay Mar Qudha Gilgilay Caasimada Gobolka Sool e Laasacaanood 10/04/11-Laasacaanood (maantasomaliland) Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa la sheegayaa in xalay qarax bambaano uu ka dhacay saldhiga Boolis oo ku yaala dhinaca koonfureed ee magaaladaasi,halkaasoo ay ku dhaawacmeen Taliyihii saldhigaasi Cali Axmed Muuse,waxa kale oo iyaguna dhaawac ka soo gaadhay mid ka mid […]

Qaar ka mid ah ganacsatada Gobolka Saaxil, ayaa munaasibad qado-sharafeed u sammeeyey Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi

Berbera, April, 09, 2011-(maantasomaliland)- Qaar ka mid ah ganacsatada Gobolka Saaxil, ayaa munaasibad qado-sharafeed u sammeeyey Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo dhawrkii maalmood ee u danbeeyay ku sugan magaalo-xeebeedda Berbera oo uu u joogay dano shakhsiyadeed. Qado-sharafeedka loo sammeeyey Guddoomiyaha KULMIYE oo lagu qabtay Hudheelka Xeebsoor waxa ka soo qaybgalay Maayarka […]

Jabuuti – Apr, 09, 2011(maantasomaliland):- Natiijooyinka doorashadii Madaxtooyada ee shalay ka dhacday dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegaya in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu mar saddexaad ku guuleystay xilka madaxtinimada dalkaas.

Jabuuti – Apr, 09, 2011(maantasomaliland):- Natiijooyinka doorashadii Madaxtooyada ee shalay ka dhacday dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegaya in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu mar saddexaad ku guuleystay xilka madaxtinimada dalkaas. Qoraal ay soo saartay Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Jabuuti waxay ku sheegtay natiijada codadkii la tiriyay in ay kala tahay 80.64% oo uu helay […]

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Gudidii Tallo bixinta ururada siyaasada ayaa maanta xarunta Akaadamiga Nabada iyo horumarinta Somaliland ee Magaalada Hargeysa kula kulmay qaar ka mid ah Salaadiinta Somaliland ee ku sugan Caasimada Hargeysa.

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Gudidii Tallo bixinta ururada siyaasada ayaa maanta xarunta Akaadamiga Nabada iyo horumarinta Somaliland ee Magaalada Hargeysa kula kulmay qaar ka mid ah Salaadiinta Somaliland ee ku sugan Caasimada Hargeysa. Guddidani waxa kulankani noqonayaa kii tobnaad ee ay kula kulmaan qeybaha kala duwan ee bulshada dalka, waxaanay hore ula soo kulmeen Dhalinyarada, Culimadda, Ganacsatada […]

April 9 2011 (maantaSomaliland.com)- Roob lagu qabowsaday ayaa maanta ka da’ay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal, sida uu xaqiijiyay Abokor Xasan Caafi, oo ah Suxufi degan Magaaladaasi.

April 9 2011 (maantaSomaliland.com)- Roob lagu qabowsaday ayaa maanta ka da’ay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal, sida uu xaqiijiyay Abokor Xasan Caafi, oo ah Suxufi degan Magaaladaasi. Roobka ka da’ay magaalada Boorame ayaa xaafado ka mid ah magaalada Biyo dhigay, waxaana roobkan aad ugu farxay dadweynaha ku dhaqan Boorame. waxa kale oo roob weyn […]

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta soo bandhigtay waxqabadkeedii sadexdii bilood ee la soo dhaafay Janaury illaa March u qabsoomay Wasaaradaha iyo Ha’yadaha dawliga ah ee xukuumaddan cusub.

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta soo bandhigtay waxqabadkeedii sadexdii bilood ee la soo dhaafay Janaury illaa March u qabsoomay Wasaaradaha iyo Ha’yadaha dawliga ah ee xukuumaddan cusub. Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa maanta shir saxaafadeed uu ku qabtay xarunta madaxtooyada waxa uu halkaasi ka akhriyay qoraal ka kooban labaatameeye bog oo […]

Agaasimihii waaxda Farsamadda Ee Idaacadda Raadio Iyo Telefiishanka Qaranka ibraahin shiine Oo Ciidamadda C.I.D Xabsiga Dhigeen.

Hargaysa (maantasomaliland) Ap 7,2011- Agaasimihii waaxda farsamada ee ee wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi-galinta Somaliland, gaar ahaan Idaacada Radio Hargaysa iyo Televishanka qaranka Mr Ibraahim Ibraahim Axmed Maxamed (Shiine), ayaa la sheegay in ciidamada dambi-baadhista ee CID-du xidhay Maanta abaaro 11:30 duhurnimo. Ma jiro war rasmi ah oo xadhiga masuulkan ka soo baxay, balse wararka aanu […]

Waxgaradka Deegaanka Widhwidh oo Daboolka Ka Qaaday inay Ka Qayb qaadanayaan Wada Hadalada nabada

(maantaSomaliland.com)- Waxgaradka Degmada Widhwidh ee Gobolka Buuhoodle, ayaa shalay markii u horeysay shaaca ka qaaday inay aqbaleen baaqiii nabadeed ee madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ugu baaqay waxgaradka gobolada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag bari. Cuqaasha iyo waxgaradka degmada Widhwidh, ayaa shir-jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaaladaasi, waxay sheegeen inay doonayaan inay […]

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Siiro) oo ka mida culimada caanka ah ee Somaliland, ayaa aad u dhaliilay ka baaqashada Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (maantasomaliland) Apr 6, 2011– Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Siiro) oo ka mida culimada caanka ah ee Somaliland, ayaa aad u dhaliilay ka baaqashada Madaxweyne Siilaanyo ee xuska maalinta aasaaska ururka SNM oo ah jabhadii dib uu celisay madaxbanaanida Somaliland sannadkii 1991-kii ka dib dagaalo lagu hoobtay oo ay la galeen taliskii Maxamed Siyaad Barre […]

Guddida Tallo Bixinta Furashada Ururada Siyaasada Oo Ka Hadlay Xiliga Ay Gudbinayaan Go’aankooda

Guddida Tallo Bixinta Furashada Ururada Siyaasada Oo Ka Hadlay Xiliga Ay Gudbinayaan Go’aankooda April 6th, 2011 “Waxa Yuusuf Tallaabo Caadaystay Inaanu Qarin Sirta Guddida Waxaanu khal khal geliyay Shirarkii” Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Guddoomiyaha Guddida Tallo-bixinta ururada siyaasada ee Madaxweynaha Somaliland dhawaan magacaabay Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa sheegay in dhammaadka bishan ay tallo bixinta hawsha loo […]

Sanad-guuradii 30-aad Ee Ka Soo Wareegtay Aasaaskii Ururkii SNM Oo Si Weyn Looga Xusay Hargeysa

Hargeysa (maantasomaliland)-Xaflad balaadhan oo lagu xusayay sanad guurada 30-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ururkii SNM oo 6-dii bishii April 1981 lagaga dhawaaqay magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa maanta lagu qabtay xarunta Ha’yada shaqaalaha ee magaalada Hargeysa. Xafladii loogu dabaal degayay munaasibadaasi, waxa ka soo qeyb galay mujaahidiin xukuumadda, xisbiyada siyaasada iyo boqolaal qof […]

Tiro-koob Madax-taabasho Ah Oo Lagu Sameynayo Booliska Gobolada Awdal Iyo Salal

Hargeysa (maantaSomaliland)- Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa hawlo Tiro koob iyo wacyi gelin ah ka bilaabay sadhigyada iyo fadhiisimada Ciidamada booliska ee Gobolada Awdal iyo Salal, waxaanay daraasad ku sameynayaan xaalada nololeed iyo agab ee ciidanka booliska. Saraakiishaasi oo uu hoggaaminayo Hoggaanka Gaadiidka iyo Isgaadhsiinta Ciidanka Booliska Axmed Cali Maygaag waxa xubno ka ah […]

Warning: Undefined variable $additional_loop in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/archive-default.php on line 10 Warning: Attempt to read property "max_num_pages" on null in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/archive-default.php on line 10
Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com