Qaar ka mid ah ganacsatada Gobolka Saaxil, ayaa munaasibad qado-sharafeed u sammeeyey Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi
Berbera, April, 09, 2011-(maantasomaliland)- Qaar ka mid ah ganacsatada Gobolka Saaxil, ayaa munaasibad qado-sharafeed u sammeeyey Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo dhawrkii maalmood ee u danbeeyay ku sugan magaalo-xeebeedda Berbera oo uu u joogay dano shakhsiyadeed.
Qado-sharafeedka loo sammeeyey Guddoomiyaha KULMIYE oo lagu qabtay Hudheelka Xeebsoor waxa ka soo qaybgalay Maayarka Berbera Cabdalle Maxamed Carab, Maareeyaha Dekedda Axmed Y. Dirir, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga Cabdiraxmaan Xasan Cawil, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Xasan Gadhweyne iyo ganacsato tiro badan.
Munaasibadan oo ka fogayd arrimo siyaasadeed waxa laysku weydaarsaday weedho kaftan iyo duurxul u badnaa oo dhexmaray Guddoomiyiyaha iyo qaar ka mid ah ganacsatada uu martida u ahaa oo ku saabsanaa dhacdooyin taariikhiya oo hore u dhacay iyo isdhexgalka xidhiidhka bulshada iyo xadaaradaha deegaannada Somaliland ku kala horeeyaan.
Guddoomiye Muuse, ayaa si weyn ugu mahadceliyay Ganacsatada Berbera ee casuummadda u sammasay iyo maamulka gobolka oo uu xusay inay waxqabad la taaban karo muujiyeen mudadii xukuumadda xisbiga KULMIYE talada haysay.
maantasomaliland.com
berbera
xasan xarbi