Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maayar Jiciir Oo Aflagaadeeyay Shacbiga Hargeysa ee Uu Madaxda U Yahay

December 24th, Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa aflagaadeeyay dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa ee uu madax u yahay, waxaanu ku tilmaamay dadka hawlaha shaqo xafiiskiisa kaga xidhan yihiin inay u socdaan baahi iyo shaxaad. taasi oo dadweyne badani ay si weyn uga codhoodeen.

Maayarka caasimadu wuxuu sidaasi ka sheegay habeen hore oo uu ka hadlayay Barnaamij ka baxa TV-ga Qaranka oo la magac baxay dakaaga la hadal ee Wasaarada Warfaafinta ay soo qaban qaabiso ee dadweynuhu ay su’aalo furan ku weydiiyaan masuuliyiinta dawladda.
Eng. Jiciir oo la weydiiyay su’aal ahayd waxa uu maamulka dawlada Hoose u daadejin waayay oo uu shaqada gacantiisa ku urursan Masuuliyiinta kale wax uga siin waayay si ay u fududaato cidhiidhiga shaqo ee ka jira xafiiskiisa waxaanu ku jawaabay “Maamulka dawlada Hoose waanua daadejinay Agaasimeyaasha iyo Guddoomiyaha degmooyinka ayaa xataa dadka hawlaha ay u socdaan wax uga qaban kara, hase yeeshee dadkeena ayay balwad ka noqotay inay meel kasta madaxa u sareeya ay u tagaann. Dadka xafiiskayga soo buux dhaafiyay ee maalin walba yimaaddaa waxay u socdaan baahi iyo shaxaad.”
Maayarka oo wax laga weydiiyay siday u qorsheeyaan dhulka danta guud oo la sheego in la musuq maasuqo, waxaanu yidhi “Dhulka danta guud dadku waxay u yaqaanaan uun dugsiyada, MCH-yada iyo goobaha kale, maalin walba dadweynuhu way noo yimaadaan oo waxay ku odhanayaan baloodh aanu degno nasii, markaa dhulka danta guud in qof muwaadin ah la siiyo uma yaqaanaan. Tusaale ahaan xaafadda Ayax 2 meesha aanu dejinay waxay ahayd dhul aanu ka qorsheynay beero ay dad leeyihiin.”
Sidoo kale, waxa maayarku uu si kalsooni leh uga jawaabay su’aalo kala duwan oo laga weydiiyay dhinaca fayo dhawrka magaalada iyo faro gelin la sheegay inuu ku hayo Iskaashata Hilibleyaasha ee Nafaqo.
“Dadweynaha caasimaddu waxay u baahan yihiin in sharciga lagu fuliyo waayo waxa jira Gaadiidka u baxa magaalooyinka kale waxaanu u samaynay meelo kala duwan hase yeeshee ma tagayaan oo waxay isa soo taagayaan b adhtamaha suuqa, dadkeenu waxay u baahan yihiin in sharciyada lagu fuliyo,”ayuu yidhi Maayarka Hargeysa.
Eng. Jiciir oo la weydiiyay su’aal ahayd waxay jidadka caasimada u horumarin waayeen sida Magaalada Berbera oo laga hirgeliyay waddooyin laami ah oo cusub, waxa uu yidhi “Waa run oo Berbera wadooyin laami ah oo cusub ayaa laga dhisay , waxaanse idiin sheegayaa in Anagu aanu ahayn halkii ugu horaysay ee dawladaha Hoose ee dalka u bilaabay waddooyinka laamida ah, urur ayaanu leenahay ay dawladaha Hoose ku bahoobeen waayo aragnimadana wixii aanu isku dhaano waanu isku gudbinaa waddooyin laami ah ayaanu samaynay oo dhawr ah waxa kale oo aanu dayactir balaadhan ku samaynay jidadka shanta degmo ee caasimada.
Maayarka Hargeysa waxa dhinacyada ka fadhiyay Agaasimaha Dhulka Dawladda Hoose, Agaasimaha Cashuuraha iyo Agaasimaha arrimaha bulshada iyo fayo-dhawrka, hase yeeshee waxaan kulankaasi ku wehelin Maayar Ku Xigeenka caasimada Maxamed Cabdilaahi Uurcadde iyo Xoghayihii fulinta dawlada Hoose Deeq Xirsi Cambuu

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com