Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Waxa maanta markii ugu horaysay xarunta Madaxtooyada Somaliland laga furay Masaajid wayn oo loogu talo galay in hogaanka dalka iyo hawl wadeenada madaxtooyadu ay ku tukadaan

Waxa maanta markii ugu horaysay xarunta Madaxtooyada Somaliland laga furay Masaajid wayn oo loogu talo galay in hogaanka dalka iyo hawl wadeenada madaxtooyadu ay ku tukadaan. Waxaana Masaajidkaa lagu tukaday salaadii Jimcaha ee shalay, waxaana ka qayb galay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB ahna Madaxwayne ku xigeenkii hore Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo saraakiisha Madaxtooyada.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo khudbaddii Salaadda Jimcaha ka jeediyay Masaajidkaa cusub ayaa ka waramay fadliga ku jira dhismaha Masaajidada, waxaanu si wayn ugu mahad celiyay Hay’adda Al-huda ee dhistay Masaajidkan.
Wasiirku waxa uu ILLAAHAY ka baryay in uu dalka ka soo jabiyo abaarta saamaysay deegaamo ka tirsan gobolada Somaliland, waxaanu tilmaamay in Madaxwaynaha Somalialnd uu dhawaan iclaamin doono maalin qaran oo dalka oo dhan laga samayn doono ducooyin iyo salaado roob doon ah. Sheekh Khaliil waxa uu intaas ku daray in ay Masaajidkaas Wasaarad ahaan la wareegi doonaan maamulkiisa iyo ilaalinta nadaafaddiisa.
Sidoo kale Madaxwayne ku xigeenka Somalialnd Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay furitaankii Masaajidkaas ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin Masaajidkan oo ay ku cibaadaysan doonaan masuuliyiinta qaranka iyo hawl wadeenada Madaxtooyada, waxaanu u mahad celiyay Hay’addii dhistay.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Agaasimaha fulinta Hay’adda Al-Hada Cabdinaasir Iid Maxamed, waxaanu sheegay in ay Masaajidkan ugu talo galeen in ay ku cibaadaystaan masuulyiinta iyo hogaanka qaranka. Waxaanu sheegay ina y ku faraxsan yihiin gacanta xukuumaddu ka
xuseen xarbi
hargaysa

/Hargeysamaantasoomaalilaand.com
c

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com