Guddoomiye Ku Xigeenka Wakiiladda Oo Ka Jawaabay Dhaliilo mucaaridku u jeediyeen xukuumadda
(MSL)Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha wakiiladda Somaliland Dr. Cali Aw Yuusuf Axmed, ayaa si adag uga jawaabay eedaymihii ay xisbiyadda mucaaradku ugu soo jeediyeen golaha wakiillada xeerkii takadiifta iyo horumarinta waddooyinka.
Cali Aw Yuusuf oo shalay u waramayay wargeyska DAWAN, ayaa tilmaamay in aanay mucaradadnimadu ahayn wixii horumar ah ee ay xukuumaddu ku talaabsato in wax laga sheego, waxaanu intaasi ku daray in mucaaradka looga baahan in ay ka marakacaan waxa la qabtay.
Guddoomiye ku xigeenka 2-aad wakiiladdu, isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Xeerku af Soomaali ayuu ku qoran yahay nin kasta oo Somaliland wuu fahmayaa ahmiyadda uu xeerkan horumarinta waddooyinku uu leeyahay u jeeddo kale ayay ka leeyihiin, waxaanan filayaa sidaana ku kasban karimaayaan shicibka, waayo shicibku waxa ay arkaan waxa meesha yaalla, iyo in wax loogu qabanayo way arkaan kolkaa mucaradad nimadu maaha in wixii xukuumadda joogtaa ay keento khayr iyo sharba wax walba la mucaaraddo wixii xun ha mucaaradaan waa toosin weeyaan. Laakiin wixii habboon waxa qurux badan in ay yidhaahdaan waan ku taageersanahay dawlada way asiibtay, sidaasi ayay ku kasban karaan dadweynaha”.
Cali Aw Yuusuf waxa uu tilmaamay ahmiyadda xeerka takaalifta horumrinta waddooyinka u leeyahay dalka waxa uu yidhi “Xeerkaa takaaliifta horumarinta waddooyinka waxa uu ahaa xeer aad iyo aad loogu baahnaa waayo oo waddooyinkeena dhibaatada gawaadhida ka haysata, waad og tihiin oo wadada dheer ee Muqdisho ilaa Burco jaanis ayaa sameeyay wdada Burco ilaa Berbera macaawimo ayaa lagu sameeyay ta Hargeysa ilaa Berbera macaawimo ayaa lagu sameeyay, kolkaa cid imika inoo samaysaa haddaanay jirin labo arrimood ayaa taalla waddooyinku hayska burburnaadaane mosaas baan ku daynaa mise wax baynu ka qabanaa inta itaalkeena kolkaa caqliga saliimka waxa uu keenayaa in aynaan sidaasi ku eeganin inta itaalkeen wax ka qabano”.
Waxaanu intaasi raaciyay “haddii waddooyinka hagaajisano faa’iido badan ayay leedahay oo dhaqaale yaan la eegin oxogayga yar ee la qaadayo waynu og nahay waddooyinkeena shilalka sanad walba ka yimaada aad iyo aad ayay u badan yihiin oo gaadid badan wax ku noqdeen oo dhimasho iyo dhaawac keenay waxaas waa waddo xumidad kolkaa lacagta takaaliifta ee gaadiidka la saaray iyo xoolaha mid balaadhan ma aha” ayuu yidhi Dr. Cali.
Sidoo kale waxa uu beeniyay in xildhibaanada golaha wakiiladu lacag ku qaateen ansixintii xeerka takaalifta horumarinta waddooyinka waxana uu yidhi Meel ka dhac weeyaan cida tidhi lacag bay qaaten mudanayaasha golaha anigu shir guddoonka ayaan ka mid ahay wax cankaas maqalkeeda ma maqlin mana arag u malaynmaayo nin la soo doortaa in uu waxaas dhaqmo.
maantasomaliland
xuseen xarbi
4052413