Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda Manchester United oo kor kala socota xaalada Juan Mata

juan-mata-chelsea(maantasomaliland):-Kooxda kubada cagta ee Manchester United, ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay ka dhex faa’iideysato khilaafka u dhaxeeya kooxda Chelsea iyo waliba ciyaaryahan Juan Mata.

Daily Star ayaa qortay in 25-jirkaan uu si aad ah uu xaladiisa ula socdo macalinka aamusan ee hogaamiya naadiga United ee David Moyes

25-jirkaan Mata ayaa waxa uu ahaa labadii sano ee la soo dhaafay nin ay si aad ah u jecel yihiin taageerayaasha The Blues, isagoona sidoo kale qaatay abaal marinta labadii sano ee la soo dhaafay ninka ugu fiicnaa kooxda Chelsea

Balse arintaas ayaa waxa biyo qabow ku shubay macalika kooxda Chelsea Jose Mou, kaas oo ka doortay booska Mata Wiilka reer Barzil ee Oscar.

War maanta ka soo baxay kooxda United ayaa lagu sheegay in Mata uu ka soo muuqan doono garoonka Old Trafford, waa hadii uu macalin Mou uu aqbalo inuu ka iibiyo kooxda Red Devils ciyaaryahan Juan Mata.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com