Agaasimaha Warfaafinta Oo Tababar u Soo Gabagabeeyay 21 Suxufi
(maantasomaliland):-Agaasimaha guud ee wasaaradda Waraafinta Somaliland, C/rashiid Jibriil Yuusuf ayaa shalay tababar ugu soo xidhay hoteelka Imperial ee magaalada Hargeysa, weriyeyaal ka tirsan idaacadda Radio Ergo iyo kuwo ka kala socday warbaahinta dawladda ee Somaliland iyo ta madaxbanaan.
Tababarkan oo socday muddo afar maalmood ah ayaa waxa ka qayb galay kuddadii uu socday koow iyo labaatan weriye oo isugu jiray weriyayaasha idaacadda Radio Ergo wakiiladda uga ah ama uga soo warama gobollada koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya iyo sidoo kale weriyeyaal ka tirsan waaxyaha kala duwan ee wasaaradda warfaafinta Somaliland iyo saxaafadda kale ee gaarka loo leeyahay.
Tababarkaasi oo ay fulinaysay idaacadda Radio Ergo maalgelintiisana ay gacan ka geysteen hay’adaha wadashaqaynta la leh idaacadaasi, ayaa u jeedadiisu ahayd sidii weriyayaasha kala duwan ee gobollada Soomaaliya iyo meelaha kaleba wakiillada uga ah idaacadda Radio Ergo aqoontooda iyo xirfadoodaba kor loogu qaadi lahaa, isla markaana ay warar iyo barnaamijiyo xaqiiqada ku dhisan oo cilmiyaysan ay bulshada ugu gudbin lahaayeen.
Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Somaliland, oo hadal ka jeediyay xafladdii xidhitaanka tababarkani, ayaa weriyeyaashii tababarkaasi ka qayb galay u soo jeediyay in ay uga faa’iideeyaan saaxiibadooda kale ee aan fursada u helin in ay kala qayb galaan. waxaanu yidhi “Tababarkan oo weriyayaasha u socday muddo afar maalmood ah, waxaan filayaa in aad waxyaabo badan oo qiimo leh, oo aad dadkana uga faa’idayn kartaan in aad ka barateen, waxaa loo baahan yahay, oo waajib idinku ah in aad u gudbisaan fariinta iyo casharaddii aad halkan ku qaadateen, walaalihiina kale ee aan fursada u helin in ay tababarkan ama mid noocan oo kale ah helaan, cilmiguna waxa uu ku barakoobaa marka uu qofku faxal ku noqdo, haddii aad cilmi xaasid noqoto runtii wax uu kuu tarayaa ma jiro, adiguna ma gudbe ayaad noqonaysaa”.
C/rashiid Jibriil Yuusuf, ayaa kula dar-daarmay weriyayaashii tababarka qaatay in waxyaabihii ay barteen in ay ku camal falaan, isla markaana wax kaga bedelaan hawl maalmeedkooda shaqo iyo qaabkii ay markii hore u hawlgelayeen. Waxaanu tilmaamay agaasimuhu in qofka weriyaha ah ee ka shaqaynaya arrimaha bani’aadannimadu uu la mid yahay sida looyar u doodaya dadka aan codka lahayn ee tabaalaysan.
Agaasimaha oo aarimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi
“Maadaama oo aad arrimo bani’aadanimo ka shaqaynasaan dar-daaran badan uma baahinidin idinku, waayo waa qof is diray oo u noqday garyaqaan ama looyar u dooda bulshadda, oo ay u jeedadiisuna tahay in uu ka dayacan u doodo, kii wax dayacayana uu waaniyo, markaa waxa muhiim ah in aad taasina cadaalad ka samaysaan.waxaan idinkula dar-daarmayaa,loona baahan yahay marka uu qofku aqoontiisa kor u qaado in ay dhaqankiisa iyo noloshiisaba wax weyn ka bedesho iyo qaabkii uu markii hore u dhaqmayay, oo uu ku camal falo cilmigii iyo aqoontii uu bartay, haddii aadan ku camal falin wixii aad baratay wax macne ah oo ay samaynaysaa ma jirto”.
Waxaanu intaasi raaciyay “Qofka suxufiga ah waxa loo baahan yahay aqoon kasta oo jirta in uu wax ka barto si maalinleh ahna ay naftiisa xog ogaal ugu noqdo, marka cilmiga kale la gayimaado qalabkan aad ku shaqaysaan, waxa uu u badan yahay electronic casri ah, siaguna maalin walba wuu isbedelaa, markaasi aan lagaaga tegin waxa muhiim ah in aad ku dadaashaan, xataa cilmiyada kale ee aan saxaafadaba la xidhiidhin, sida IT-ga caafimaad iyo waxyaabaha kaleba waa waajib idin saaran in aad wax ka ogaataan,” ayuu yidhi Md. C/rashiid.
Faadumo Macalin Abuukar oo ka tirsan weriyeyaasha iyo soo saarayaasha idaacada Radio Ergo ee xafiiska mgaaladda Nayroobi ee dalka Kiiniya oo iaydna hadal kooban ka jeedisay xafladii xidhitaanka tababarkaasi ayaa sheegtay in idaacada Radio Ergo ay sanadkiiba ilaa laba jeer tababar u qabato weriyayaasha.“Waxaan maanta (shalay) halkan ku soo xidhaynaa tababarkan oo inoo socday muddo afar cisho, kana soo bilaabmay 25-kii bishan September ilaa maanta oo ah 29-bishan, tababarkaasi oo uu Radio Ergo u qabto sanad walba ugu yaraan laba jeer weriyayaasha wakiiladda uga ah, Soomaaliya iyo weliba weriyayaal kale oo gobollada oo iyagana xaruntoodu ay tahay magaalladan Hargeysa” ayay tidhi Faadumo Macalin Abuukar.
Faadumo Macalin Abuur, oo ka waramaysa waxyaabihii uu tababarkani ku saabsanaa, tiradda weriyayaasha ka qayb galay iyo deegaanadda ay ka kala yimaadeen weriyeyaashii ka qayb galay, waxa ay tidhi “Tababarkan oo ku saabsanaa soo tebinta wararka arrimaha bini’aadannimada, waxa ka qayb galay mudadii uu socday koow iyo labaatan weriyayaal ah oo ka kala tirsan, weriyayaasha Radio Ergo ee gobolada Soomaaliya wakiiladda uga ah iyo weliba weriyayaal kale oo magaaladdan Hargeysa ka hawlgala, tababarkaasi oo si fiican inoogu socday, inooguna soo dhamaaday”.
Tababarkan ayaa maalmihii uu socday waxaa lagu barayay weriyayaasha wakiiladda uga ah idaacadda Radio Ergo gobollada Soomaaliya uga soo warama casharo kala duwan oo la xidhiidhay sida ugu habboon ee ay uga hawlgeli karaan uagana soo warami karaan goobaha ay ku nool yihiin dadka dhibaataysan, gaar ahaana kuwo ay xaaladahooda dhinaca nolosha bini’aadanimaddu haysato, isla markaana ay bulshada kale ugu soo bandhigi lahaayeen.
idaacadda Radio Ergo ayaa tan iyo markii ay bur-burtay xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya waxa ay ka shaqaynaysay si aad ahna uga hawlgashay baahinta wararka iyo barnaamijyadda ka hadlaya dhibaatooyinka nololeed ee haysta bulshada Soomaalida ah ee tabaalaysan, iyada oo soo gudbisa hadba nooca gar-gaar ee ay u baahan yihiin.
Waxaanay si gaar ah uga hawl-gashaa meelaha ay nool yihiin dadka babarakacay ee ay colaaduhu saameeyeen, kuwa u baahan ama aan haysan adeegyada nolosha ee aasaasiga ah sida, biyaha caafimaadka,hoyga iyo waxyaabha la midka ah. Sidaa oo kale idaacadda Radio Ergo waxa ay ka shaqaysaa dadka ku nool meelaha ay masiibooyinka dabiiciga ahi ka dhacaan.
xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413