Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Sheekh Maxamuud C/laahi Geele Oo Xukuumada Axmed Siilaanyo Oo Xabsiga U Taxaabtay

Sheekh Maxamuud Claahi Geele(maantasomaliland):-ciidamada Somaliland ayaa xalay fiidkii xabsiga u taxaabaty Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geele oo ah Gudoomiyaha Urur Diimeedka Xisbulaha Ee Somaliland.

Xadhiga Guddoomiyaha ururka Xisbulaah, ayaa waxa warbaahinta u xaqiijiyey Xubno ka tirsan urukaasii, walow aan ilaa hadda aan wax war ahi ka soo bixin dhanka xukuumadda Somaliland oo ku saabsan sababta xadhiga Wadaadkan.

Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle, ayaa dhawr jeer oo hore Xukuumadda Somaliland xabsiga u taxaabtay, ka dib markii uu hadalo lid ku ah xukuumadda isla-markaana uu taageero, balse xadhigiisa ayaa loo aanaynayaa inuu ka dambeeyo hadal uu dhawaan jeediyey oo uu taageero ugu muujiyey kooxdii argagixisada ahayd ee weerartay xaruntuu Ganacsi ee Westa Gate Mall ee Magaalada Nairobi isagoo sheegay in ay xaq ahayd kuna amaanan yihiin weerarkii ay qaadeen kooxdaa Al-Shabaab loogana baahanyahay qofkasta oo muslima inuu taas oo kale sameeyo.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com