Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shacabka Hargeysa Oo Khaati Ka Taagan Culayska WadooyinkaKala Soo Darsa Marka Madaxwaynuhu Ka Baxayo Ama Soo Galayo Madaxtooyadda

hargesa(maantasomaliland):-Shacbiga  ku nool Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa xukuumadihii u kala danbeeyey dalka kala kulma culays iyo cadibaad  badan Xiliyada uu Madaxwaynuhu ka baxayo ama uu soo galayo Qasriga Madaxtooyadda,

kuwaas oo loo xidho Jidadka waawayn ee ay iskaga kala gooshaan gaadiidka bulshaddu. Xukuumaddii Madaxwayne Riyaale oo caan ku ahayd xidhashada Wadooyinka Mihiimka u ah shacabka oo dad badani ay ku dhaliili jireen hab-dhaqankaasi fulay-nimada ah ee lagu cadibayo bulshadda ayey ka sii dartay markii talada dalka uu la wareegay Xisbiga Kulmiye  3 sano ka hor.

Sidoo kale Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa iyadu qaaday tubtii Dawladii ka horaysay oo caadaystay Xidhashada iyo xanibaada Wadooyinka gaar ahaan Jidka Hal-bawlaha ah ee Cisbitaalka Hargeysa loo mariyo dadka Bukaanka ah iyo Hooyooyinka Xaami-lada ah. Shacbiga ku nool Magaaladda Hargeysa ayaa shalay oo u danbaysay Mushkilado badan kala kulmay ka dib markii dhamaan Jidadka ku dhaw Jaamacadda Hargeysa laga xidhay gaadiidkii isticmaalayey, kuwaas oo loo joojiyey Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo ka qaybgalay Munaasibad ay ku qalin jabinayeen 744 Arday.

Dhinaca kale Ciidanka Amniga ee ilaalinaya Madaxwaynaha Qaranka ayaa iyagu shalay xanibay dhamaan Jidadka taga Xaafadda Pepsi-ga, Isha-Boorama iyo Birjeex, taas oo ay gaadiid badan oo la joojiyey wakhtigii uu Madaxwaynuhu ka soo baxayey Madaxtooyada ka dhaqaaqay goobtaas markii uu ka soo noqday Xafladad Qalinjabinta Ardayda Jaamacadda Hargeysa, kuwaas oo wadda-da Jaam ka dhigay isla markaana taagnaa halkaas Saddex saacadood oo dhaw-dhaw.

Xigasho: Haatuf

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com