Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa toddobaadkan laba jeer gurigiisa kula kala shiray labada garab ee Xisbiga Kulmiye u qaybsan yahay, kuwaas oo tahli kari la’ go’aankii korka lagaga keenay kadib in ay dhaqaajiyaan hawlihii xisbiga sugayey ee uu ugu horeeyey shirweynihii sadexaad oo ay dhibtu ka dhacday qaabkii Xisbigu u qabsan lahaa.

Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa toddobaadkan laba jeer gurigiisa kula kala saleebaanshiray labada garab ee Xisbiga Kulmiye u qaybsan yahay, kuwaas oo tahli kari la’ go’aankii korka lagaga keenay kadib in ay dhaqaajiyaan hawlihii xisbiga sugayey ee uu ugu horeeyey shirweynihii sadexaad oo ay dhibtu ka dhacday qaabkii Xisbigu u qabsan lahaa.
Labada kulan oo kala danbeeyey kooda hore waxa uu la yeeshay Garabka Muuse Biixi Cabdi oo si weyn uga cadhooday qoddobo toddoba ahaa oo ay garabka kale ee ka soo hor jeedaa u gudbiyeen Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyagoo shardi uga dhigay tanaasulka lagu khasbay, kuwaas oo soo baxay go’aankii Garabka Wasiir Samaale lagu riday ee ahaa in uu ka tanaasulo musharaxnimada Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo ay si weyn ugu Loolamayeen Muuse Biixi.
Kulanka Muuse la yeeshay Guddoomiye Saleebaan ayaa la sheegay in uu kaga dalbaday in la joojiyo fulinta qoddobadaas isagoo ku dooday in aanay faa’iido u ahayn go’aankii xisbiga loogu daayey, waxaanu sheegay haddii qoddobadaas meesha la soo dhigay in aanu maamuli karayn hawshii xisbiga isla markaana ay tahay in aan waxba loo dayne markale geed lagu xidhay.
Guddoomiye Saleebaan Gaal ayaa la sheegay kulankaasi in uu Muuse Biixi ugu bandhigay in uu ka soo bixi waayey rajadii laga filanayey oo ahayd in uu isku keeno Xisbiga isla markaana sasabto raga loo bireeyey, balse qorshahaasi uu  noqday mid dhiniciisa ka socon waayey loona baahan yahay in uu la yimaado kalsoonidii uu ku soo celin lahaa ama ku kasban lahaa Ragga loo Loogay.
Guddoomiye Saleebaan ayaa isagoo ka shiidaal qaadanaya cabashada Guddoomiye Muuse talo kula noqday madaxweyne Siilaanyo waxaana la sheegay in uu u bandhigay caqabada hor taala Xisbiga oo si weyn ugu kala qaybsan taladii xisbiga iyo sidii rajo celin loogu samayn lahaa garabyadda, kulanka Labada Oday oo ahaa mid gaar ah lama oga qorshaha iyo talooyinka kale ee ay isla soo meel dhigeen hase yeeshee waxa la sheegay in uu Saleebaan kulan kale la yeeshay Garabkii ka soo horjeeday Muuse Biixi.
Illaa hada si rasmi ah looma oga waxa ka soo baxay kulanka danbe ee Saleebaan la yeeshay Garabkii Samaale oo xiligan u muuqda in ay shuruudo adag la hor taagan yihiin tanaasulka laga codsaday kaasoo u muuqda in uu laf-dhuun gashay ku noqday nidaamkii Xisbiga hase yeeshee ilo wareedyo Waaheen heshay ayaa sheegaya in garabkaasi ku adkaysteen qoddobada ay sitaan fulintooda.
Si kasta ha ahaatee waxa wali taagan khilaafkii Xisbiga Kulmiye oo u muuqda in ay raga ku jiraa Uurkoodu kala guuray isla markaana ay hawl badan iyo wakhti u baahan tahay sidii ay uga soo kaban lahaayeen Dhul gariirkii ku dhacay oo ahaa mid lama filaan ah isla markaana ka baxsan awooda Xisbiga Kulmiye.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com