Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wefti Uu Hogaaminayo Xoghayaha IGAD oo Socdaal ku yimid Somaliland

Hargeysa ()- Wefti balaadhan oo uu hoggaaminayay Xoghayaha Fulinta ee urur goboleedka IGAD Md. Maxbuub Macalin iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa booqasho sadex cisho ah markii u horraysay ku yimid Somaliland.

Weftigan waxa madaarka Hargeysa ku qaabilay Wasiirrada Arrimaha dibada Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dr. Axmed Xaashi Nuur (Oday).

Weftigan oo ka kooban afar xubnood waxay kulamo la yeelan doonaan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirrada ee xukuumaddiisa.

Waxa kale oo ay weftigani booqan doonaan Dugsi goboleedka culuumta caafimaadka xoolaha ee ku yaalla magaalada Sheekh waxaana la sheegay inay doonayaan inay la wareegaan maal gelinta dugsigaasi oo ay hore u maal gelin jireen Midowga Afrika.

Xoghayaha Fulinta ee urur goboleedka IGAD Md. Maxbuub Macalin, wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay socdaalkiisan Somaliland isla markaana uu wixii uu ku arko u gubin doono Urur goboleedka IGAD.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com