Wargelin Mihiim Ah Oo Ku Socota Taageerayaasha Xisbiga UCID
REPUBLIC OF SOMALILAND
Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka {UCID} Justice and Welfare Party
Ref/UCID/943/2013 Date: 09/12/2013 |
WAR SAXAAFADEED
HARGEYSA
Ujeedo/War Galin Muhiim Ah
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Gobolka Maroodi Jeex Ama Hargeysa Md: Faysal Abiib Gudhane
Waxaa Uu Ku War Galinayaa Dhamaan Tageerayaasha Xisbiga Ucid Ee Caasimada Hargeysa In Ay Ka Soo Qayb Galaan Banaan Bax Salmiya Oo Lagu Taageerayo Xoriyatul Qawlka Iyo Saxaafada Somaliland,Maalinta Bariya XARUNTA XISBIGA UCID Ee Xaafada Shacabka,Sacaadu Markey Tahey 9:00Am Subaxnimo Taas Oo Ku Beegan Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee XUQUUQUL INSAANKA
Hadaba Xukuumada Somaliland Waxaanu Leenahey Idiinkaa Xisbiga UCID Iyo Taageerayaashiisaba Nabad Galyadooda Qaabilsan Sida Dastuurka Iyo Xeerarka Qarankuba Tilmaamayaan Ee Waan Dadkaa Amnigooda Ilaalisaan
Sidaa Daraadeed Taageerayaashana Waxaanu Ku War Galineynaa In Ay ilaaliyaan Amniga Iyo SumCada Xisbiga Ucid Lana Shaqeeyaan Ciidamada Qaabilsan Aminga
Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Ee Xisbiga Ucid
Md: Faysal Abiib Gudhane