Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Afhayeenka Madaxtooyadu waxa uu ka dheereeyey Guuxiisa. Wariye:Saleban Cabdi Cali C/lahi Maxamed Daahir waxa uu dusha ku qaatay afhayeenkii Wasaaradda Gaashaandhiga,

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland C/lahi Maxamed Daahir (Cakuse) oo ahaa shakhsi ka mid ah dadkii Xisbiga Kulmiye ku caano maalay qalinkooda,kana qayb qaatay Ololihii lagu hujuumay Xukuumaddii Madaxweyne Riyaale iyo Xisbiga UDUB,isla markaana madaxweyne Siilaanyo markii uu talada ku guulaystay u magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo sida la rumaysanyahay aanu u qalmin,balse loogu abaal guday, waxa uu ka dheereeyey Guuxiisa,ka dib markii uu dusha ku qaatay awoodo aanu lahayn iyo shaqooyin aan loo igman,una gaysay Aqoon daro iyo fudayd aan la masayn karin oo ka muuqada ficilida uu ku kacayo.
C/lahi Maxamed Daahir waxa uu dusha ku qaatay afhayeenkii Wasaaradda Gaashaandhiga, Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta, ilaalada gaar ka ah ee Madaxweynaha, Agaasimaha Baratakoolka Madaxtooyada iyo waliba in uu u shaqeeyo sidii Suxufi ka tirsan Saxaafada dawlada,iyada oo shaqada kaliya ee uu hada Qaranka u hayaana ay tahay Afhayeenka Aqalka Madaxtooyada Somaliland.
Afhayeenka Madaxtooyadu awoodaha aanu lahayn ee uu faraha kula jiraa waxa ay soo ifbaxeen ka dib markii dhawr jeer uu ka hadlay saxaafada isaga oo ku hadlaya afkhayeenkii dawlada Somaliland ama Afhayeenka Wasaarada Gaashaan dhiga Somaliland,warfaafinta iyo Milatariga Somaliland, waxa kale oo dhawr jeer ka hadlay arimo Khuseeya Saxaafada Somaliland iyo qaabka ay ula macaamilayso Xukuumadda oo ku tilmaamay qaabka aan fiicnayn, sidoo kale afhayeenka aqalka Madaxtooyada Somaliland waxa uu Madaxweynaha hortiisa ku gacansaaray Suxufiyiin gudanaysay shaqadooda oo madaxweynaha wax ka duubaysay, kuwaasoo uu sheegay in uu ka shakiyey ka dib markii warqabadkooda ay u issticmaaleen Aalada Mobilka Gacanta lagu qaato,taasoo aanay xataa dareemin ama waxba u arag Ilaalaadii gaar ahayd ee madaxweynuhu oo ay shaqadooda ahayd in ay si buuxda u ilaaliyaan amaanka madaxweynaha.
shirarkan Jaraa’id ee uu qabtay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo ugu horeeyey kii uu kaga hadlay dhaqdhaqaaqyadii uu Maamulka Puntland ka waday meelo ka mid ah Gobolka Sanaag,isla markaana ugu dambeeyey shirkii Jaraa’id ee uu ku qabtay Madaxtooyada Bishii hore ee ugu Jawaabay Maamulada Puntland iyo Gal-mudug,kuna sheegay Isaga oo ku hadlaya afkii Xukuumadda Somaliland ,in ay Somaliland u aragto heshiisyada labadaasi Maamul kala saxeexdeen ee ay ku sheegeen inay qaban doonaan shir Somaliya dawlad loogu dhisayo oo ay Somaliland ku jirto mid gardaro ku ah Somaliland,kaasoo si adag ugu difaacay Qaranimada Somaliland iyo Madaxbanaanideeda,isaga oo iska dhigaya wasiirka warfaafinta, Wasiirka Arrimaha Dibada iyo masuuliyiinta kale ee arintan ka hadalkeeda awood u leh, una badheedhay in uu qabto shaqo aanu lahayn iyo qaadashada shaadh aanu xidhan karin ilaa uu is leegaysiiyo, waxaanu afhayeenku isaga oo u Jawaabaya Maamuladaasi hadalkiisa ku bilaabay sidan;-“waxaan doonaynaa in aanu ka jawaabno warar warbaahinta qaarkood siidaayeen oo sheegaya in Maamul goboleedyada Puntland iyo Gal-mudug heshiisyo wada galeen,heshiiskoodana ay ka mid tahay inay qabanyaan shir ay u qabanayaan Somaliya oo ay Somalilandna ka mid tahay,waxaan leenahay Somaliland maaha markii koowaad ee ay mawqifkeeda si cad u sheegto,iyaguna maaha kuwo moog Somaliland inay tahay qaran jira, dal jira, dal uu dadkiisii go,aansaday in ay dalkii la isku odhan jiray Somaliya kala noqdaan madaxbanaanidoodii oo ay noqdaan Qaran iskii u taagan oo ay noqdeen.”

ma aha ceeb in uu Masuulku difaaco Qaranimada Dalkiisa, balse ayaa ku haboonaa adeegsiga Ereyadan uu yidhi C/lahi Maxamed Daahir, taasi waa su’aal aan jawaabteeda lagu margan karin, waxaana shaqadaasi lahaa 1- madaxweynaha Somaliland oo si toos ah uga hadla warbaahinta, 2- Madaxweyne ku-xigeenka dalka, 3- Wasiirka Warfaafinta oo ah Afhayeenka Dawlada Somaliland ee arimaha Siyaasada iyo Gaashaan dhiga, 4-Wasiirka Arrimaha Dibada oo isna u xilsaaran Siyaasada Diblamaasiyada iyo arrimaha dibada ee dalka,teeda kale hadii hoos loogu sii daadago ficilada uu afhayeenka madaxtooyadu ku dhaqaaqay intii xilka hayey waxa kale oo ka mid ah, Safarkii uu ku tagay dalka Suudaan,gaar ahaan Koonfurta Sudan ee uu kaga qayb galay afti u qaadistii Koonfurta Sudan isaga oo suxufi madaxbanaan ah,taasoo hadii dhab loo eego gaf ku ah xilka uu Qaranka u hayo,isla markaana hadii uu dhibaato kala kulmi lahaa dalkaasi uu suxufinimada ku tagay, ay qaran jab ku noqon lahayd Somaliland.

hadaba marka la is barbar dhigo Ficilada Cakuse iyo awoodaha uu faraha la galay ee Qaranka miyanay cadayn in uu Guuxiisa ka dheereeyey,isla markaana shaqadii uu hayey ee madaxtooyada uga gudbay inqilaabka awoodo kale oo aanu lahayn,iyada oo aynu ognahay in uu shaqada ku helay abaal marin ee aanu ku helin hawl karnimo iyo aqoon lagu doortay.
Gabadh ayaa iyaduna waxyeelasya

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com