Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaabilay Wefti ka Socda Dalka Ingiriiska
Hargeysa (maantaSomaliland)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday dalka Ingiriiska oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Afrika u qaabilsan dalka Ingiriiska.
Warsaxaafadeed Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir uu ka soo saaray Kulankii Madaxweynuhu la yeeshay weftigaasi waxaanu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ,waxa uu Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti 3 Xunood ka kooban oo uu Hogaaminaayo Tin Hitchens, Director for Africa-ka Dawlada Ingiriiska ee Africa.
Weftigan oo u jeedada Socdaalkoodu daba socoto soc-daalo isdaba joog ahaa oo ay madaxda Ingiriisku ku timid Somaliland, waxa uu madaxweynuhu uga waramay ee Dhinacyada siyaasada, nabad gelyada iyo Dhaqaalaha Somaliland.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu weftiga uga mahad naqay socdaalka ay ku yimadeen Somaliland iyo Xidhiidhka wanaagsan ee wakhtigan ka dhexeeya labada Wadan.
Tin Hitchens, Director for Africa Norman Ling, British Ambassador to Ethiopia and ayaa ka waramay ujeeddada Socdaalkooda oo ay sheegeen in uu daba socdo socdaaladii hore ee ay dalka ku iman jireen iyo xogogaal u noqoshada guud ee Somaliland.
Xubnaha Weftigu Waxay madaxweynaha iyo Somalilandba ku amaaneen dedaalka ay ka sameeyeen dhinaca nabad-gelyada iyo horu-marka waxanay ku adkeeyeen kuna dhiiri-geliyeen inay halkaasi ka sii wadaan oo aanay ka Caajisin Dedaalkaas oo ay somaliland hore ugu caano maashay.
Dhinaca Somaliland Madaxweynaha waxa kulanka ku Wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka JSL, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, la taliyaha Arrimaha Ictiraaf-raadiska iyo Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada.
Dhinaca Weftiga waxay ka koobnayeen,
[list type=”red”]
- Norman Ling, British Ambassador to Ethiopia.
- Tin Hitchens, Director for Africa
- Matt Woods, First Secretary.
[/list]
huseen harbi
hargaysa